Wasiir Sadiiq Warfaa: “Wax ka badelka Sharciga Shaqaalaha rayidka wuxuu Sahlayaa in la helo Shaqaale xirfad leh”

Date:

Wasiirka Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada xukuumadda federaalka ah ee Soomaaliya, Sadiiq Xirsi Warfaa ayaa Baarlamaanka ka hor akhriyay sharciga Shaqaalaha Rayidka oo wax ka bedel lagu sameeyay.

Wasiir Warfaa, ayaa xaqiijiyay sharcigan oo laf-dhabar u ah dedaalada socda in wax ka bedelka lagu sameeyay uu sahlayo in  la helo shaqaale xirfad leh, isla markaana fulin kara howlaha adeegga qaranka.

“Tan iyo markii uu ii magacaabay ra’iisul wasaare Xasan Cali Khayre, wasiirka wasaaradda shaqada iyo arrimaha bulshada waxaan xoogga saaray sidii is bedel loogu sameyn lahaa arrimaha shaqada iyo arrimaha bulshada , gaar ahaana dib u habaynta  sharuucda iyo soo saarista siyaasad qaran oo hagta wasaaradda.” ayuu yiri wasiir Sadiiq Warfaa oo intaa ku daray” Sharciga adeegga rayidka ah wuxuu lafdhabar u yahay dadaalada aan ugu jirno in la helo shaqaale Soomaaliyeed oo loo qoro hab furan, leh xirfad shaqo isla markaana fulin kara howlaha adeegga qaranka hor yaalla.

Sharciga adeegga rayidka waa mid lagu maamullayo shaqaalaha rayidka Soomaaliyeed wuxuuna sharcigan muhiimad gaar ah u leeyahay hab sami u socodka howlaha qaranka. “Wasiirka ayaa caddeeyay sababaha keennay in is bedel lagu sameeyo sharciga Shaqaalaha Rayidka , waxaa uu qodobka koowaad ku sheegay, dalka oo isku bedelay Federaal, sharcigii hore ma uusan qeexeyn qiimeynta booska uu qofka ka shaqeynayo, halka wax ka beddelkan ee sharciga uu u gogol xaarayo hab gaar ah oo lagu maamullo.

“Sharciga cusub wuxuu ahmiyad siinaya khayraadka aadamiga ah .” ayuu ku daray wasiirka.Ugu dambeyn, Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Soomaaliya ayaa Xildhibaannada ka codsaday in ay meel mariyaan sharcigaan ka dib marka ay waajibkooda ka gutaan.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddiga Xaquuqul Insaanka Qaranka oo war ka soo saaray dhacdo ka dhacday Jubbada Hoose

Guddiga Madaxa-bannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka Soomaaliyeed (GMXIQ) ayaa...

Wasaaradda Shaqada fariin u dirtay shaqaale waynaha Soomaaliyeed

War saxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha...

Liiska xubnaha ku guuleystay Golaha Wakiilada K/Galbeed oo la shaaciyay

Guddiga Madaxa bannaan ee Doorashooyinka iyo Xuduudaha Soomaaliya ayaa...

Wasiirka Warfaafinta oo kulan miro dhal ah la qaatay Danjiraha Shiinaha ee Soomaaliya

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya,...