Taliyeyaasha Ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya iyo Saraakiisha Ahlu Sunna oo kulan ku yeeshay Dhuusamareeb

Date:

Dhuusamareeb-(SNTV)-Kulan ay Magaalada Dhuusamareeb ku yeesheen mas’uuliyiin ka tirsan Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya, Saraakiisha Ciidanka qalabka sida iyo mas’uuliyiinta Ahlu Sunna Wal Jamaaca, ayaa looga hadlay sidii loo Qarameyn lahaa Ciidanka Alhu Sunna.

Mas’uuliyiinta iyo Saraakiisha ku kulmay Magaalada Dhuusamaeeb ayaa hoosta ka wada xarriiqay in ay sida ugu dhaqsiyaha badan loo diiwaan geliyo Ciidanka Ahlu Sunna Waljameeca.

Waxaa haatan Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda maamulka Galmudug ka soconaya qaban-qaabadii ugu dambeysay ee lagu diiwaan gelinayo Ciidanka Alhu Sunna.

Taliyaasha Ciidanka qalabka sida oo guda galay dhaqan gelinta amarkii Ra’iisul Wasaare, Xasan Cali Khayre ee ahaa in la Qarameeyo Ahlu sunna, laamaha ammaankana Dhuusamareeb laga howl geliyo ayaa qorshuhu yahay in sida ugu dhaqsaha badan ay uga gun gaaraan, si loogu diyaar garoobo xoreynta degaannada ay haraadiga Al-Shabaab uga suganyihiin Galmudug.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Batroolka ayaa booqday qaar ka mid ah Geesiyaasha Macawisleyda oo ku dhaawacmay dagaalka lagu cirib tirayo khawaarijta

Wasiirka Wasaaradda Batroolka iyo Macdanta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane...

Amb Jibriil oo xariga ka jaray bandhigga ganacsiga Islaamka oo ka furmay Nairobi

Danjiraha Dowladda Soomaaliya ee dalka Kenya, Danjire Jabriil Ibraahim...

Wasiirka shaqada iyo Arrimaha bulshada XFS oo ka qayb galay shirweynaha hal-abuurnimada Afrika

Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya,...