Taliyaasha Ciidammada Xoogga, Booliiska Iyo Asluubta oo gaaray Dhuusamareeb

Date:

Taliyaasha ciidanka xoogga dalka, Booliiska iyo Asluubta ayaa maanta soo gaaray magaalada Dhuusamareeb ee xarunta dowlad gobaleedka Galmudug.

Taliyaasha oo ay la socdaan guddiga isku dhafka ciidanka qalabka sida oo hormuud uu u yahay wasiiru dowlalaha difaaca ayaa socdaalkoodu salka ku hayaa fulinta amarkii Raโ€™iisul wasaaraha dalka oo ahaa in la qarameeyo ciidamada Ahlusunna iyo in laamaha amniga heer federaal laga howl geliyo Dhuusamareeb.

Raโ€™iisul Wasaare Xasan Cali Khayre ayaa dhawaan faray laamaha amniga dalka in sida ugu dhaqsaha badan ay uga howl galaan caasimadda dowlad gobaleedka Galmudug si loo dhamaystiro qorshaha qarameynta ciidanka Ahlusunna looguna diyaar garoobo xoreynta deegaannada Galmudug ay Shabaabku uga suganyihiin.

ย 

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiir-ku-xigeenka Warfaafinta oo gaaray magaalada London.

Wasiir-ku-xigeenka Wasaaradda Warfaafinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Al-Cadaala, ayaa...

Muqdisho oo martigelinaysa Shirweynaha Qaran ee kaabayaasha Dijitaalka (DPI).

Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Xafiiska Raโ€™iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,...

Wasiirka Dekadaha XFS oo Golaha Wasiirrada uga mahadceliyey ansixinta Xeer-nidaamiyaha Diiwaangelinta Gaadiidka Badda.

Muqdisho, Jannaayo 29, 2026; Wasiirka Wasaaradda Dekadaha iyo Gaadiidka...