Madaxweyne Farmaajo oo casho lagu maamusayo 1-da Luulyo u sameeyay diblomaasiyiinta shisheeye

Date:

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa Madaxtooyada casho sharaf lagu maamusayo toddobaadka xorriyadda ugu sameeyay diblomaasiyiinta iyo danjirayaasha dalalka aan saaxiibbada nahay ee ka hawlgala Muqdidsho.

Madaxweynaha oo hadal kooban munaasabadda ka jeediyay ayaa ka sheekeeyay sooyaalka Soomaaliya iyo marxaladdii adkayd ee dalku soo maray isaga oo hoosta ka xarriiqay in waddanku uu hadda cagta saaray dhabbada xasilloonida iyo horumarka.
Madaxweynaha ayaa xusay in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay tixgeliso saaxiibtinnimada ay dalalka caalamka la leedahay isaga oo sheegay inuu ku kalsoon yahay horumarka iyo dib u soo kabashada Soomaaliya inta ay dowladdu garab ka helayso shacabka Soomaaliyeed ee adkaygsiga badan iyo saaxiibbada caalamka.

Madaxweyne Farmaajo ayaa marti sharafta uga warbixiyay dadaallada ay dowladdu ugu jirto sidii Soomaaliya loo gaarsiin lahaa horumar waara isaga oo la wadaagay siyaasadaha hor-tabinta u leh dowladda ee dhinacyada amniga, hannaanka maaliyadda iyo siyaasadda loo dhan yahay.

“Sida aad ka warqabtaan, Soomaaliya waxay sannadihii la soo dhaafay samaysay horumar xawli ah, waxaana ku faraxsanahay inaan idin la wadaago in dowladdaydu ay gaartay guullo waaweyn intii aan talada hayay. Dhanka dhaqaalaha, Soomaaliya waxay horumar la taaban karo ka samaysay la dagaallanka musuqmaasuqa, sare u qaadidda dakhliga gudaha iyo buuxinta shuruudaha dayn cafinta ee Hay’adda Lacagaha Adduunka oo meel fiican maraya.”

Madaxweynaha ayaa dalalka saaxiibka la ah Soomaaliya uga mahadceliyay sida hagar la’aanta ah ee ay u garab taagan yihiin ummadda Soomaaliyeed isaga oo sheegay in dowladda ay ka go’an tahay xoojinta iskaashiga iyo xiriirka ay la leedahay guud ahaan Beesha Caalamka.

Munaasabadda casho sharafta waxa sidoo kale ka qaybgalay Guddoomiyaha Golaha Shacabka Mudane Maxamed Murshal Sheekh Cabdiraxmaan, Ra’iisul Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda Mudane Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar), Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug Mudane Axmed Ducaale Geelle (Xaaf), Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eng. Yariisow), Wasiirka Warfaafinta ahna Guddoomiyaha Guddiga Qabanqaabada Maalmaha Xorriyadda Mudane Maxamed Cabdi Xayir (Maareeye), xubno ka tirsan Golaha Xukuumadda iyo Baarlamaanka, Taliyeyaasha iyo Saraakiisha Ciidamada Qalabka Sida.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Deegaanka oo kormeer ku tagay deegaanno iyo degmooyin ka tirsan Galmudug

Wasiirka Deegaanka iyo Isbeddelka Cimillada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane...

Booliiska Gobolka Banaadir oo xiray Askar ‘si sharci darro ah’ hub ugu dhex watay Muqdisho

Taliska Booliiska Gobolka Banaadir ayaa soo bandhigay 11 askari...

Wasiirro ka tirsan xukuumadda oo kormeeray degmooyinka gobolka Banaadir oo kaarka codbixinta laga qaadanayo

Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane...

Ra’iisul wasaare Xamse oo ka qaybgalay isu soo bax dadweyne oo doorashada lagu taageerayo

Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xamsa Cabdi Barre...