Raโ€™iisul Wasaare Xasan Cali Khayre Oo Cadaado Kula Kulmay Hoggaanka Dhaqanka

Date:

Cadaado (SNTV) โ€”Raโ€™iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Cali Khayre, ayaa xalay iyo maanta waxa uu magaalada Cadaado kulamo wadatashi ah kula yeeshay qaar kamid ah odayaasha dhaqanka deegaannada Galmudug.

Raโ€™iisul Wasaare Xasan Cali Khayre oo kulamada wadatashiga ah isugu yeeray hoggaanka dhaqanka ayaa u sheegay muhiimmada ay u leeyihiin dhameystirka hannaanka lagu taabbagelinayo Galmudug mideysan oo qeyb ka noqota horumarka Soomaaliya. Waxa uu ballan qaaday in talooyinka odayaasha iyo wadatashigooda uu aasaas u yahay tallaabooyinka xiga ee la qaadayo.

Raโ€™iisul Wasaaraha ayaa sidoo kale dhagaystay talooyinka odayaasha dhaqanka ee ku aaddan dhismaha iyo xoojinta hayโ€™adaha Dowlad Goboleedka Galmudug.

Odayaasha Dhaqanka ayaa Raโ€™iisul Wasaaraha uga mahadceliyay booqashada uu ku yimid, wadatashiyada uu dhaqanka la yeeshay iyo dadaalka xooggan ee uu ku bixinayo nabadeynta iyo dhameystirka dhismaha hayโ€™adaha dowliga ah ee Galmudug iyaga oo ka codsaday in uu sii wado wadatashiyada uu bulshada la yeelanayo.

Kulamada uu Raโ€™iisul la yeeshay odayaasha dhaqanka ayaa waxaa goob joog ka ahaa qaar kamid ah xildhibaannada iyo Seneterada deegaan doorashadoodu tahay Galmudug.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Hayโ€™adda NISA oo howlgal qorsheysan ku dishay xubno ka tirsan Khawaarijta

Ciidanka Hayโ€™adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA) oo kaashanaya...

Shir-Wadatashi Qaran oo lagu diyaarinayo Qorshaha Qaran ee Ka Hortagga iyo Xakameynta Cudurka Cagaarshowga oo ka furmay Muqdisho

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada ee Xukuumadda Federaalka...

Duqa Muqdisho oo Degamda Kaaraan maanta ka qaatay kaarka diiwaangelinta doorashada qof iyo codka ah

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho, Xasan Maxamed Xuseen...