Wasiirka Qorsheynta XFS oo kulan la qaatay Guddiga Miisaaniyadda, Maaliyadda iyo Qorsheynta ee BJFS

Date:

Muqdisho (SNTV)-Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta kulan la qaatay Guddiga Miisaaniyadda, Maaliyadda iyo Qorsheynta ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Ujeedada kulanka ayaa ahaa la socodka Qorshaha Sagaalaad ee Horumarinta Qarank oo a ay wado qoristiisa Wasaaradda Qorsheynta, Maal-gashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha ee DFS.

Wasaaradda Qorsheynta XFS ayaa u soo bandhigtay Guddigaan, Qabyo qoraalka koowaad ee Qorshaha Horumarinta Qaranka, Seddexda ahmiyad ee muhiimada u leh dalka, kuwaas oo kala ah Siyaasadda loo dhan yahay, horumarinta Dhaqaalaha iyo Amniga, iyo kala sareynta Sharciga.

Xildhabaanada Guddiga Miisaaniyadda, Maaliyadda iyo Qorsheynta ee Golaha Shacabka ayaa Waasaradda su’aalo ka waydiiyay hanaanka uu u dhacay wada-tashiga Wareegga Koowaad ee Qorshaha Horumarinta Qaranka iyo sida loo dhageystay Aragtida Shacabka Soomaaliyeed.

Sidoo kale Xildhibaanada ayaa wax ka waydiiyay wasaaradda howlaha kale ee muhiimka ah ee ay wado, kuwaas oo ahmiyad ballaaran u leh dalkeenna, waxaana guddiga uu boggaadiyey shaqada culus oo ay hayso wasaaradda Qorsheynta XFS, kuwaasi oo lafdhabar u ah dalka.

Guddoomiyaha Guddiga Miisaaniyadda, Maaliyadda iyo Qorsheynta ee Golaha Shacabka BFS Mudane Maxamuud Siraaji ayaa sheegay in Wasaaradda maanta ay guddiga u soo bandhigtay shaqooyinka socda oo hor-tabin u leh dalkeenna.

“Waxaan maanta waqti dheer wada qaadanay Wasiirka iyo Howlwadeenada Wasaaradda Qorsheynta, wax ay noo soo bandhigeen dadaalada socda ee qorista Qorshaha Qaranka, waxay noo soo bandhigeen Amniga, Federaalka, kala sarenta Sharaciga, mashaariicda socda iyo qodoba kale oo muhiimad u leh dalka, kuwaas oo ah in aan wax badan ka oggaanay qorshooyinkaasi” ayuu yiri Xil. Maxamuud Siraaji.

Wasiirka Wasaaradda qorsheynta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Jamaal Maxamed Xasan ayaa sheegay in ay dhageysteen talooyinka Guddiga, kuwaasi oo dhaxal gal u ah qorshaha horumarinta Qaranka.

“waxaan dhageystay maanta guddiga Miiisaaniyadda, Qorsheynta ,waxa ay nala wadaageen talooyin muhiim u ah qorista Qorshaha horumarinta Qaranka, waxaan warbixin ka siinay siduu u dhacay wada-tashiga wareegga koowaad, waan ku soo laaban doonaa guddiga, waqti badan ayaana isla qaadan doonnaa, si mar walbo aan u dhageysano talooyinkooda, kuwaas oo muhiimad ballaaran u leh shaqada culus ee aan wadno” ayuu yiri Wasiir Jamaal.

Sidoo kale Wasiirka Jamaal ayaa warbaxin kooban ka siiyay guddiga maashriicda horumarineed ee dalka ka socda, hadafyada Ballaaran ee wasaaradda horumuudka ka tahay sida shaqo Abuurka dhalinyaradda, dhiiri-gelinta Ganacsatada yar yar oo maal-gelin loo sameynayo,  taasi oo qeyb weyn ka qaadanayso yarenta shaqa yarida iyo kobcinta dhaqaalaha.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

R/Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda oo daahfuray Qorshaha Istaraatijiyadda WFP ee gudaha Soomaaliya ee 2026-2030

R/Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda Saalax Axmed Jaamac ayaa daahfuray...

Shirweynaha 1-aad ee Badaha Soomaaliya ayaa goordhow ka furmay magaalada Muqdisho

Shirweynaha 1-aad ee Badaha Soomaaliya ayaa goordhow ka furmay...

Wasiirka Waxbarashada oo magaalada Laascaanood ka dhagax dhigay dhismaha Dugsi Hoose/dhexe ah

Wasiirka Wasaarada Waxbarashada Dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Farah Sheikh...

Garsoore Cumar Cartan oo dhex-dhexaadin doona finalka CECAFA Cup

Garsooraha Soomaaliyeed Cumar Cabdulqaadir Cartan ayaa dhex-dhexaadin doona ciyaarta...