Wakiilka Cusub ee Gaarka ah ee QM u qaabilsan Soomaaliya oo soo gaaray Muqdisho “SAWIRRO”

Date:

Muqdisho (SNTV )James Swan ayaa maanta yimid Muqdisho is uu ula wareego waajibaadka xilkiisa isagoo ah Wakiilka Gaarka ah ee Xoghayaha-Guud ee QM (SRSG) u qaabilsan Soomaaliya ahna Madaxa Xafiiska Hawlagalka Kaalmaynta Qaramada Midoobay ee Soomaaliya.

Diblomaasiga rug-cadaaga ah, ee u dhashay Dalka Maraykanka, ayaa xilkan loo magacaabay 30kii May 2019 wuxuuna Qaramada Midoobay kusoo biirinayaa khibrad baaxad ballaaran uu u leeyahay dalalka Afrika ee Saxaraha ka hooseeya. Hawshii ugu horeysay ee uu Soomaaliya ka qabtay waxay ahayd 25 sano ka-hor markas oo uu ahaa Sarkaal qaabilsan Arrimaha Siyaasadda oo ka tirsanaa Xafiiska Ergeyga Gaarka ah ee Maraykanka u qaabilsan Soomaaliya sanadihii 1994kii ilaa 1996kii.

Waqtiyadii u dambeeyay, Md. Swan ayaa shaqaynayay isagoo ahaa Ku-xigeenka Kaaliyaha Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Xafiiska Wasaaradda Arrimaha Dibadda Mareykanka u qaabilsan Arrimaha Afrika muddadii 2007dii-2008dii, wuxuu soo noqday Danjiraha Dowladda Mareykanka u qaabilsan Djibouti muddadii u dhaxaysay 2008dii iyo 2011kii, wuxuu sidoo kale soo noqday Wakiilka Gaarka ah ee Mareykanka u qaabilsan Soomaaliya 2011kii ilaa 2013kii. Wuxuu soo dhameystay xirfadiisii shaqo ee uu ka hayay Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee uu ka ahaa Danjiraha Mareykanka u qaabilsan Jamhuuriyadda Dimoqoraadiga Congo, isagoo xilkaas hayay laga billaabo 2013kii ilaa 2016kii.

“Waxaan rajeynayaa in mar kale aan la shaqeeyo dadka Soomaaliyeed ee adkeysiga leh oo aan si iskaashi leh ula shaqeeyo madaxdooda,” ayuu yiri Md. Swan. “Khibradeydii hore ee Soomaaliya waxay ahayd mid khusaysay xil laba-geesood ah, laakiin hadda waxaa sharaf ii ah oo mas’uuliyad iga saarantahay in aan dalka wakiil uga noqdo Qaramada Midoobay, iyo weliba guud ahaan beesha caalamka. Waxaan ku faraxsanahay wada-shaqaynta aan la yeelanayo saaxiibada dalka iyo kuwa caalamka si loo gaaro horumar waara oo ku aaddan nabadda iyo barwaaqada ay sida aadka ah u mudanyihiin dadka Soomaaliyeed.”

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Warfaafinta oo kulan miro dhal ah la qaatay Danjiraha Shiinaha ee Soomaaliya

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya,...

Kulan ku saabsan u-diyaargarowga iyo ka hortagga cudurka Ebola oo ka furmay Muqdisho

Waxaa goor dhow ka furmay Xarunta Qaran ee Howl-gallada...

Taliye ku xigeenka Ciidanka Dhulka oo shir guddoomiyay kulan looga hadlayay amniga gobolka Bay

Taliye ku xigeenka Ciidanka Dhulka ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed,...

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo Xarigga ka jaray xarunta Cusub ee Degmada Shangaani

Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Dr....