Duqa Muqdisho oo Dhagax-dhigay Waddo Laami ah

Date:

Muqdisho-(SNTV)—Duqa Muqdisho ahna Guddoomiyeha Gobolka Banaadir Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eng.Yarisow) ayaa dhagax-dhigay waddo Laami ah oo laga hirgelinayo isgoyska Cali Kamiin iyo Ifka Xalane oo isku xira jidadka 30ka iyo Warshadaha. Waana waddadii 9aad oo maamulku dhisayo muddo sanad iyo bar ah.

Guddoomiyaha ayaa sheegay in dhismaha Jidkani uu qeyb ka yahay qorshaha horumarinta Caasimadda ee Sanadkan 2019-ka lagu dhisayo waddooyin dhowr ah oo muhiim u ah isku socodka Dadweynaha, Gaadiidka iyo bilicda Magaalada.

“Waddadan waa Waddo muhiim ah oo halbowle u ah Bulshadda Caasimadda dagan, iyada ayaana u dooranay in la dhiso oo laga dhigo Laami casri ah oo noqoneysa mid kaalin wax ku ool ah ka qaadata bilicda iyo horumarka aan hiigsanayno, shirkadda dhisayso waxaan leeyahay Laamiga waaa in uu ahaado mid tayo leh oo si wanaagsan loo dhisay”ayuu yiri Guddoomiyahu.

Eng. Yarisow ayaa sheegay in waddadan iyo kuwa kale ee Laamiga ahba ay wax badan ka beddaleen bilicda Caasimadda, isla markaana hagaajinaya adeegyada Bulshada.

Duqa Muqdisho, waxuu tilmaamay in xilligan Gacanta lagu hayo dhismooyinka Waddooyin dhowr ah iyo xarumo Maamulka oo qaarkood ay gabo-gabo marayaan, kuwa kalana mashruucooda dhismaha uu socdo.

Guddoomiyaha ayaa yiri” Waxaan rajeynayaa in sanadba sanadka ka dambeeya horumarku sii siyaado, Wadooyinku noo siisiyaadaan, dib u dhiska Caasimadduna ku socdo dardar , isbeddal dhab ah ayaa ku dhici doonta bilicda Muqdisho marka Waddooyinkan ay dhameystirmaan”.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa waxaa ku weheliyey dhagax-dhigga Wasiirka Dhalinyarada iyo Cayaaraha Soomaaliya iyo qaar kamid ah Guddoomiye-kuxigeenada Maamulka Gobolka Banaadir.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Agaasimaha Laanta Afrika ee Xarunta Boqor Salmaan oo booqday Xarunta Daryeelka Agoonta ee Ummu Badr

Masuuliyiin ka mid ah Xarunta Boqor Salmaan ee Gargaarka...

Soomaaliya oo daneyneysa kordhinta qoondada Xujeyda Xajka 𝟭𝟰𝟰𝟴𝗛/𝟮𝟬𝟮6

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha islaamka mudane...

Madaxweynaha JFS oo qaabilay Guddoomiyaha Guddiga Madaxa-bannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa...

Muqdisho mar dambe ma mudna sumcad dilka dambe (WARBIXIN)

Wargeyska caanka ah ee The Economist ee ka soo...