Horseed iyo Dekadda Kulanka Hogaanka Horyaalka Soomaaliya

Date:

Dekadda iyo Horseed ayaa wada Ciyaari doona  kulanka ugu adag todobadkaan waana kulan uu ku xiran yahay Cida sida rasmiga ah kula wareegi lahayd Hogaanka Horyaalka Soomaaliya.

Labadaan kooxod ayuu u dhexeyay tan iyo bilowgii horyaalka Soomaaliya hogaanka Horyaalka Soomaaliya mar waxaa qabaneysay Horseed marna waxaa haysay Dekadda hase yeeshe waa labada kooxod ee loo saadalinayo ku guuleysiga horyaalka Soomaaliya sanadkaan 2019.

Labadii sano ee la soo dhaafay Kooxda Dekadda ayaa u dabaal degtay hanashada Horyaalka Soomaaliya waxaana u suurta geliyay Macalinka Kooxdaasi Yuu Cali, sidoo kale kooxda Dekadda 20 sano kadib ayeey u dabaal degtay Horyaalka Soomaaliya sanadkii 2017 ayadoo kii xigay ee 2018 ay ku guuleysatay hase yeeshe labadii sano ee la so dhaafay ayaa Horyaalka waxaa isku soo sharaxday Kooxda Horseed oo qarash fara badani la geliyay kadib markii kooxda waqti fara badan aysan ku guuleysan Horyaalka Soomaaliya waxaase haatan ka go,an Masuuliyiinta ugu sareysa ee Militariga in Horseed ay ku soo laabato sidii ay ahaan jirtay xiligii dowladii Militariga xiligaasi oo ay ahayd kooxda ugu guulaha badan gudaha dalka oo walina ay ka mid tahay kooxaha ugu guulaha badan gudaha dalka iyo dibadaba.

Kulankii ugu danbeyay oo ay wada ciyareen lugtii hore ee Horyaalka Soomaaliya Dekadda waxay ku guuldareysatay hal gool oo ay ugu adkaatay Horseed hase yeeshe kulamada ay kulmeen labada kooxod ayaa ah kuwa aad badan balse tobankii kulan ee ugu danbeyay oo ay wada ciyareen ayaa waxaa dhanka guulaha badan oo kooxda Dekadda inkastoo shantii kulan ugu danbeysay oo ay wada ciyareen labada kooxod horyaalka Soomaaliya  kooxda Horseed ay guulo badan tahay hadane waa labada kooxod ee loo maleyn karo in Horyaalka ay ku guuleysan karaan.

Halkaan kaga bogo tobankii kulan ee ugu danbeyay oo ay wada ciyareen Horyaalka Soomaaliya Horseed iyo Dekadda.

W/D Axmed Salaad Shiikhow

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Madaxweynaha JFS oo lagu soo dhoweeyay Dalka Jabuuti 

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo...

Ra’iisul Wasaare Xamsa “Soomaaliya iyo Turkiga waxaa ka dhaxeeya 60 sano oo saaxiibtinimo iyo iskaashi ah”.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi...

Danjiraha Soomaaliya ee Turkiga oo ka qeyb galay munaasabadda aasaaska Jamhuuriyadda Turkiga  

Danjiraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u fadhiya dalka Turkiga, Amb....

Wasiirka Caddaaladda oo furay wadatashi ku saabsan Xeerarka Taxkiimka iyo Caddeymaha.

Wasiirka Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka ee JFS, Mudane Xasan...