Ra’iisul Wasaare Khayre Oo La Kulmay Agaasimaha Siyaasadda Wasaaradda Arrimaha Dibadda Ingiriiska

Date:

Muqdisho (SNTV)- Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay agaasimaha guud ee siyaasadda ee wasaaradda arrimaha dibadda Boqortooyada Ingiriiska, Richard Moore.

Ra’iisul Wasaaraha iyo Richard Moore ayaa kulankooda uga hadlay xoojinta xariirka soo jireenka ah ee labada dowladood iyo taageerada Ingiriisku dowladda  ka siiyo tababarrada ciidanka iyo qorshaha ciidanka Soomaaliyed ay kula wareegayaan amniga dalka.

Kulanka Ra’iisul Wasare Xasan Cali Khayre iyo Richard Moore waxaa qayb ka ahaa safiirka boqortooyada Ingiriiska ee Soomaaliya, Ben Fender.

Boqortooyada Ingiriiska ayaa dowladda Federaalka Soomaaliya ka teegeerta tababarrada ciidanka, dhismaha xarumaha tababarrada iyo qorshaha fog ee ciimadama amniga Soomaaliya ay ciidanka AMISOM ugala wareegayaan mas’uuliyadda amniga guud ee dalka.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

R/Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda oo daahfuray Qorshaha Istaraatijiyadda WFP ee gudaha Soomaaliya ee 2026-2030

R/Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda Saalax Axmed Jaamac ayaa daahfuray...

Shirweynaha 1-aad ee Badaha Soomaaliya ayaa goordhow ka furmay magaalada Muqdisho

Shirweynaha 1-aad ee Badaha Soomaaliya ayaa goordhow ka furmay...

Wasiirka Waxbarashada oo magaalada Laascaanood ka dhagax dhigay dhismaha Dugsi Hoose/dhexe ah

Wasiirka Wasaarada Waxbarashada Dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Farah Sheikh...

Garsoore Cumar Cartan oo dhex-dhexaadin doona finalka CECAFA Cup

Garsooraha Soomaaliyeed Cumar Cabdulqaadir Cartan ayaa dhex-dhexaadin doona ciyaarta...