James Swan oo loo magacaabay wakiilka QM ee Soomaaliya

Date:

Muqdisho (SNTV)- Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobey Antonio Guterrs ayaa James Swan oo ah diplomaasi u dhashey dalka Mareykanka waxaa uu u magacaabay in uu noqdo Ergeyga gaarka ah ee xafiiska siyaasadada ee Qaramada Midoobe ee Soomaaliya(UNSOM).

James Swan ayaa waxaa uu bedelaya Nicholas Haysom oo ah diplomaasi dalka Koonfur Afrika ka soo jeedo,kaasi oo dowladda Soomaaliya ay shaacisay in aanay wadashaqeyn karin,taasi oo keentay in Qaramada Midoobey ay soo magacowdo Wakiil cusub.

Antonio Guterrs ayaa magacaabista Mr. Swan kadib waxaa uu sheegay in mas’uulkan uu yahay shaqsi khibrad iyo aqoon durugsanba u leh arrimaha diblomaasiyadda,isagoo xusay in waqtigiisa inta badan uu ku soo qaatay qaaradad Afrika.

Wadamada uu Ergey ahaan uga  soo shaqeeyey waxaa kamid ah  Jamhuuriyadd Dimoqraadiga ee Congo,2013 ilaa 2016, 2011-2013 Soomaaliya,2008-2011 Dalka Jabuuti,sido kale waxaa uu ka soo shaqeyeey Cameroon, Nicaragua iyo Haiti.

Sidoo kale Antonio Guterrs  aya intaasi ku daray in James Swan uu soo noqday ku-xigeenkii kaaliyaha xoghaya arrimaha dibada ee Mareykanak ee Afrika, 2006-2018,2005-2006 agaasimaha xafiiska sirdoonka iyo dabagalka ee Waaxda arrimaha dibadda ee Mareykanka

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Markabkii Shidaalka qodayay oo soo gaaray Muqdisho

Waxaa saaka xeebta magaalada Muqdisho soo gaaray markabka qodista...

Wasiirka Amniga Gudaha XFS oo xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Dowladda Switzerland u qaabilsan Soomaaliya

Wasiirka Amniga Gudaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdullaahi...

Wasiiru-Dowlaha Arrimaha Dibadda oo kulan la yeeshay UNTMIS si loo dardargeliyo geeddi-socodka kala-guurka

Muqdisho, 8 Abriil 2026 Mudane Cali Maxamed Cumar, Wasiiru-Dowlaha...

Hoggaamiyaha Koonfur Galbeed oo kormeer ku tegay xarunta maamulka Baydhabo

Baydhabo, Abriil 08, 2026: Hoggaamiyaha ku-meelgaarka ah ee Dowlad...