Xukuumadda Oo Dardar Gelinaysa Diyaarinta Sharciga Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed

Date:

Wasiirka gaadiidka iyo duulista hawada, Maxamed Cabdullaahi Salaad (Oomaar), Maareeyaha hay’adda duulista rayidka Soomaaliyeed,  Axmed Macallim Xasan iyo maareeya ku-xigeenkiisa,  Sheekh Jaamac ayaa maanta kulan la qaatay mas’uuliyiin ka socota hay’adda caalamiga ah ee duulista Rayidka (ICAO) oo uu kamid yahay khabiir loo soo diray in dowladda uu ka caawiyo dib-u-dhiska iyo Qorista sharciga hay’adda duulista Soomaaliyeed.

Kulanka dhex maray  hay’adda caalamiga ah ee duulista rayidka, wasaaradda duulista iyo hay’adda duulista rayidka Soomaaliyeed ayaa aad looga dooday dedejinta qorista sharciga hay’adda duulista oo dowladda u ogolaanaya in ay diiwaan geliso diyaaradaha iyo duuliyaasha iyo in ay qabato dhammaan howlaha muhiimka u ah duulista.

Hay’adda caalamiga ah ee duulista Rayidka  ayaa dowladda ka taageeraysa Diyaarinta Shuruucda.

Kulanka ayaa sidoo kale looga hadlay dhamystirka qorshaha ay dowladda Soomaaliya ugu soo wareegayaan shaqaalaha ka shaqeeya hay’adda duulista Soomaaliyeed oo markii hore hoos tegi jiray hay’adda maamuli jirtay hawada Soomaaliya kahor inta aan dowladda lagu soo wareejin.

Wasaaradda gaadiidka iyo duulista hawada  iyo hay’adda duulista rayidka Soomaaliyeed ayaa qorsheynaya in shaqaalaha hay’adda ee laga soo wareejiyay Nairobi  ay si dhamaytiran dowladda Soomaaliya ugu wareegaan ugu dambayn July 31, 2019.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

RW Xamsa Cabdi Bare oo xafiiskiisa ku qaabilay wafdi ka socda Turkiga

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi...

Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo Guddoomiyey Shirka Agaasimiyaasha Guud ee Wasaaradaha

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed, Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed...

Ra’iisul Wasaaraha XFS oo magacaabay Agaasimaha Guud Arrimaha Dastuurka ee Wasaaradda Caddaaladda

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi...

Soomaaliya iyo Pakistan oo kala saxiixday Heshiis Ka-Dhaafid Fiiso oo ku Saabsan Baasaboorrada Diblomaasiyadeed

Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Pakistan...