Xukuumadda Oo Dardar Gelinaysa Diyaarinta Sharciga Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed

Date:

Wasiirka gaadiidka iyo duulista hawada, Maxamed Cabdullaahi Salaad (Oomaar), Maareeyaha hay’adda duulista rayidka Soomaaliyeed,  Axmed Macallim Xasan iyo maareeya ku-xigeenkiisa,  Sheekh Jaamac ayaa maanta kulan la qaatay mas’uuliyiin ka socota hay’adda caalamiga ah ee duulista Rayidka (ICAO) oo uu kamid yahay khabiir loo soo diray in dowladda uu ka caawiyo dib-u-dhiska iyo Qorista sharciga hay’adda duulista Soomaaliyeed.

Kulanka dhex maray  hay’adda caalamiga ah ee duulista rayidka, wasaaradda duulista iyo hay’adda duulista rayidka Soomaaliyeed ayaa aad looga dooday dedejinta qorista sharciga hay’adda duulista oo dowladda u ogolaanaya in ay diiwaan geliso diyaaradaha iyo duuliyaasha iyo in ay qabato dhammaan howlaha muhiimka u ah duulista.

Hay’adda caalamiga ah ee duulista Rayidka  ayaa dowladda ka taageeraysa Diyaarinta Shuruucda.

Kulanka ayaa sidoo kale looga hadlay dhamystirka qorshaha ay dowladda Soomaaliya ugu soo wareegayaan shaqaalaha ka shaqeeya hay’adda duulista Soomaaliyeed oo markii hore hoos tegi jiray hay’adda maamuli jirtay hawada Soomaaliya kahor inta aan dowladda lagu soo wareejin.

Wasaaradda gaadiidka iyo duulista hawada  iyo hay’adda duulista rayidka Soomaaliyeed ayaa qorsheynaya in shaqaalaha hay’adda ee laga soo wareejiyay Nairobi  ay si dhamaytiran dowladda Soomaaliya ugu wareegaan ugu dambayn July 31, 2019.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Ciidanka Xoogga Dalka oo howlgal ku xoreeyay deegaanka Xawaadley ee Shabeellaha Dhexe

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa howlgal guuleystay ku xoreeyay...

Ciidamada Qaranka oo gudaha u galay deegaanka Xawaadley ee Shabeellaha Dhexe

Ciidamada Qaranka Soomaaliyeed oo howlgallo ka dhan ah Khawaarijta...

Wasiirka Qoyska XFS oo khudbad ka jeedisay Shirka Haweenka Adduunka ee New York

Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka Soomaaliya ayaa...

Guddoomiyaha SoDMA oo sheegay in Soomaaliya u socoto dhanka nidaamyo xooggan oo ka jawaaba masiibooyinka

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Masiibooyinka Qaranka, Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle,...