Ra’iisul Wasaare Khayre oo Guddoomiyay Shirka Tubta Guud ee Gobalka Banaadir”Sawirro”

Date:

Muqdisho (SNTV):-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, mudane Xasan Cali Khayre, ayaa maanta guddoomiyay shirka tubta guud ee gobalka Banaadir oo lagu qabtay xarunta maamulka gobalka Banaadir.

Shirka oo looga hadlay dar-dar gelinta qorshaha adkaynta amniga iyo sare u qaadidda bilicda caasimadda, ayuu Ra’iisul Wasaaruhu kusoo bandhigay wixii uu magaalada kusoo arkay intii uu ku jiray kormeer uu ugu kuur gelayay heerka uu gaarsiisanyihiin amniga iyo nadaafadda degmooyinka gobalka Banaadir.

Kulanka oo ay goob joog ka ahaayeen taliyaasha xoogga, guddoomiyaha gobalka, kuxigeennadiisa, taliyayaasha ciidanka xoogga, booliiska iyo Asluubta ayaa si qota dheer looga hadlay in dhammaan dhinacyadu iska kaashadaan sidii amniga loo gaarsiin lahaa heerka ugu wanaagsan si looga hor tago falalka gurracan ee kooxaha argagaxisadu ku beegsadaan bulshada Soomaaliyeed.

Shirka ayaa sidoo kale looga dooday nadiifinta caasimadda iyo sare u qaadidda bilicda si bulshada ku nool ay ugu ciidaan magaalo qurux badan oo aan qashan la hayn, waxa uuna Ra’iisul wasaaruhu faray maamulka gobalka iyo dhammaan hay’adaha kale in ay si is-xilqaan ah ugu istaagaan hagaajinta nadaafadda.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa guddoomiyayaasha degmooyinka gobalka ku dhiirri geliyay in ay si gaar ah isaga xil saaraan nadaafadda degmooyinka ay madaxda ka yihiin, isaga oo u ballan qaaday maamulkii nadaafadda degmadiisa hagaajiya in abaal marinno uu ku farxo la guddoonsiin doono.

Dhanka kale, Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya, mudane Xasan Cali Khayre ayaa kulanka kadib waxa uu kormeeray bangiga dhexe iyo dekadda Muqdisho si sare loogu qaado isla xisaabtan, daah-furnaanta iyo hufnaanta.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

HOGGAAMIYAHA KOONFUR GALBEED OO AQALKA MADAXTOOYADA KU QAABILAY ODEYAASHA DHAQANKA KOONFUR GALBEED SOOMAALIYA.

Hoggaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur...

Madaxweynaha Soomaaliya oo kulan doceed la qaatay Dhiggisa Seerbiya

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Dr.Cabdinaasir Axmed Ibraahim, Guddoomiye Ku-xigeenkii Akademiya Goboleedka Af Soomaaliga oo ku geeriyooday dalka Hindiya

Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee XFS waxay...

Madaxweyne Xasan Sh. oo khudbad ka jeediyay shirka Dalalka aan Isbaheysiga aheyn

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...