Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo galay sanadkii 9-aad oo ay qabaneyso Warbaahinta Qaranka, isla markaana si toos ah looga daawanayo Telefishinka Qaranka, lagana dhageysto Idaacadda Radio Muqdisho waxaa caawa kulankiisa Afar iyo labaatanaad ee wareegga saddexaad ku tartamay Degmooyinka Kismaayo iyo Shibis oo ka kala tirsan Gobollada Jubbada Hoose iyo Banaadir, waxaana barnaamijka sanadkii lixaad oo xiriir ah taabagelineya Maamulka Gobolka Benaadir.
Tartameyaasha labada degmo ee Kismaayo iyo Shibis ayaa muujiyey tartan aad u adag, isla markaana ahaa mid xiiso gaar ah xambaarsan, iyagoo soo bandhigay aqoon iyo asluub wanaag labada dhinac inta uu tartanku socday.
Kismaayo
Tartameyaasha Degmada Kismaayo ee Gobolka Jubbada Hoose ayaa waxaa la weydiiyey todobo Suโaal, todobadii suโaal ee la weydiiyay waxa ay ka jawaabeenย Afarย suโaal, iyagoo iska qaldayย Saddexย suโaal, waxa ay ka faaโiideysteenย Saddexย suโaal oo soo hareer martay tartamayaasha Shibis, sidaa darteed wadarta guud ee dhibcaha tartameyaasha Degmada Kismaayo ay heleen waxay noqotayย Afar iyoย Tobanย (14) dhibcood.
Shibis
Tartamayaasha Degmada Shibis ee Gobolka Banaadir waxaa dhankooda la weydiiyay todobo suโaal, waxa ay ka jawaabeenย Laboย suโaal, iyagoo iska qaldayย Shanย suโaal, ma jirin wax ka faaโiideysi ah oo ay heleen, sidaasi darteed wadarta guud dhibcaha ay heleen tartameyaasha Degmada Shibis waxay noqotayย Afarย (4) dhibcood.
Hadaba kulankiiย 24-aadย ee tartan Cilmiyeedka bisha Ramadaan ee Warbaahinta Qaranka caawa waxaa wareegga Afaraad u soo gudbay tartamayaasha Degmada Kismaayo ee Gobolka Jubbada Hoose, ayadoo gebagebadii ay labada tartame isugu hambalyeeyeen guushaasi.
Habeen dambe oo ah habeenkaย 25-aadย ee tartan Cilmiyeedka bisha Ramadaan ee Warbaahinta Qaranka waxaa ku tartami doona wareeggaย 4aadย kulankiisa labaad Degmooyinka Hodan iyo Dhahar oo ka kalaย tirsan Gobollada Banaadir iyo Sanaag.




















