Ra’iisul Wasaaraha XFS oo xarigga ka jaray Masaajid loogu magac daray Axmed Saleebaan Dafle

Date:

Muqdiisho (SNTV):-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa maanta si rasmi ah u furay Masjid cusub oo ay yeelanayso xarunta Ha’yadda Sirdoonka iyo Nabad Sugida Qaranka Soomaaliya (NISA),iyadoo loogu magac daray taliyihii ugu horeeyey ee Ha’yadda Sirdoonka iyo Nabad Sugida Qaranka Axmed Saleebaan Dafle.

Munaasabadda xarig jarka waxaa Ra’iisul Wasaaraha ku wehelinayay Wasiiro ay ka mid yihiin Wasiirka Amniga, Wasiirka Boostada iyo Isgaarsiinta, Wasiirka Diinta iyo Awqaafta XFS iyo Mas’uuliyiin kale.

Mudane Xasan Cali Khayre ayaa uga mahad celiyey Maamulka iyo shaqaalaha Hay’adda juhdiga iyo dadaalka dheeriga ah ee ay galiyeen dhismaha masjidkan oo ahmiyad weyn u leh shaqaalaha xarunta.

Dhismahan Masjidka oo socday muddo dhan afar bilood ayaa loo dhisay qaab casri ah isaga oo sidoo kale loo nashqadeeyey si aad u heer saraysa.

Ra’iisul Wasaare Kheyre dhanka kale kormeeray qeybaha ay ka kooban tahay xarunta Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugida Qaranka Soomaaliya (NISA),isagoo sidoo kale indha indheeyey waaxyaha kale ee xarunta.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Mareykanka oo bogaadiyay in Soomaaliya ay qalab casri ah dhigtay Xuduudaha dalka

Bayaan ka soo baxay Safaaradda Mareykanka ee xafiiska Muqdisho...

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka oo kulan doceed kula yeeshay Ku-xigeenka Xoghayaha Guud ee QM

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed...

NISA oo kaashanaysa Ciidamada deegaanka oo howlgallo ka fuliyay deegaanno hoostaga Moqokori

Ciidanka Nabad-sugidda Soomaaliyeed iyo kuwa deegaanka ayaa howlgal qorsheysan...

Wasiirka Maaliyadda XFS oo kulan la qaatay Xoghaya Guddiga Dhaqaalaha QM ee u qaabilsan Afrika

Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Biixi Imaan Cige...