Muqdisho (SNTV)ย Dowladda UK ayaa sheegtay in lacag dhan 8 Malyan oo geni oo udhiganta 10 milyan oo doolar ay ugu deeqayso taageero beniโaadanimo ee Soomaaliya oo ay abaaruhu saameeyeen.
Taageeradaasina ay tahay mid wax looga qabanayo cunno nafaqo leh, biyo nadiif ah, adeeygyada caafimaadka aas aasiga u ah, talaalka xoolaha nool, taageeradanย dheeraadka ah ayaa la sheegay in wax weyn ay ka tari doonto meeluhu abaaraha saameeyeen.
Kumanaano qoys mahelin waqti ay kaga soo kabtaan abaarihii sanadkii 2017-dii waxaana weli sidii ay u wajahayaan mashkilad kale. Xilli roobaadka oo labo jeer aanan ka daโin iyo xaaladaha cimilada xumaatay waqtiga jiilaalka ee bilihii Janaayo iyo Maarso ayaa keenay biyo yaraan, mirihii soo bixi lahaa iyo waxsoosaarka xoolaha nool oo hoos udhacay.
Xafiiska howlaha beniโaadannimada QM ee UNOCHA ayaa sheegay in lagu qiyaasay 5.4 milion oo Soomaali ah ay haatan qarka ufuulaan cunno yari bisha July taasi oo ugu yaraan 2.2 milion ay dhici karto in ay soo foodsaarto cunno laโaan.
20-kii bishan May sanadkan 2019-ka hayโadaha gargaarka ee Soomaaliya ayaa billaabay qorsho looga jawaabayo abaaraha kaasi oo ku baaqay in la helo kheyraad looga hortagi karo mashkilado ballaaran oo ay sababaan abaarahani.
Phil Evans oo ah Madaxa Hayโadda DFID ugu qaabilsan xafiiskeeda Soomaaliya ayaa sheegay inย abaarta ay saameeysay malaayiin Soomaali ah, qaar badan oo kamid ah dadkaasi ay ka barakaceen guryahooda iyo wixii ay ku noolaayeen si ay u raadsadaan waxyaabaha nolosha aas aasiga u ah.
Lacagtan ayaa ah mid loogu talo galay in lagu soo iibiyo caawimaad lagu badbaadinayo nolosha kumanaano kun oo qof oo kujira xaalado walaac laga muujinayo.
Lacagta ay bixinayso UK oo lagu tiriyo in ay tahay wadamada ugu badan ee deeqaha dhinaca beniโaadannimada ee Soomaaliya.
Cadadka lacagta 8 milyan ee geni ayaa loo kala qoondeeyay in ay ku kala baxdo 3 million oo pound in la siiyo hayโadda Unicef, 3 million oo geni ay uwareegi doonto hayโadda WFP iyo 2 million oo geni oo ay la boodi doonto hayโadda FAO
Bishii April 2019-kii Saduuqa Jawaabaha dhexe ee degdegga ah ee QM โCERFโ iyo xafiiska sanduuqa Beniโaadannimada Soomaaliya โSHFโ ayaa sii daayay lacag dhan $45.7 million oo doolar si kor looqu qaado kaalamda wax looga qabanayo si loo badbaadiyo dadka ay abaaruhu saameeyeen.
Xafiiska Waaxda Horumarinta ย Caalamiga ah ee loo soo gaabiyo DFID ayaa maalgelinaya 84 million oo pound saddex sanno ee soo socota si wax looga qabto howlaha waqtiga dheer soo jiitamayay.
