Dowladda Britain oo shaacisay in ay bixinayso lacag dhan 8 milyan oo pound oo wax lagaga qabanayo xagga beni’aadannimada Soomaaliya

Date:

Muqdisho (SNTV) Dowladda UK ayaa sheegtay in lacag dhan 8 Malyan oo geni oo udhiganta 10 milyan oo doolar ay ugu deeqayso taageero beni’aadanimo ee Soomaaliya oo ay abaaruhu saameeyeen.

Taageeradaasina ay tahay mid wax looga qabanayo cunno nafaqo leh, biyo nadiif ah, adeeygyada caafimaadka aas aasiga u ah, talaalka xoolaha nool, taageeradan  dheeraadka ah ayaa la sheegay in wax weyn ay ka tari doonto meeluhu abaaraha saameeyeen.

Kumanaano qoys mahelin waqti ay kaga soo kabtaan abaarihii sanadkii 2017-dii waxaana weli sidii ay u wajahayaan mashkilad kale. Xilli roobaadka oo labo jeer aanan ka da’in iyo xaaladaha cimilada xumaatay waqtiga jiilaalka ee bilihii Janaayo iyo Maarso ayaa keenay biyo yaraan, mirihii soo bixi lahaa iyo waxsoosaarka xoolaha nool oo hoos udhacay.

Xafiiska howlaha beni’aadannimada QM ee UNOCHA ayaa sheegay in lagu qiyaasay 5.4 milion oo Soomaali ah ay haatan qarka ufuulaan cunno yari bisha July taasi oo ugu yaraan 2.2 milion ay dhici karto in ay soo foodsaarto cunno la’aan.

20-kii bishan May sanadkan 2019-ka hay’adaha gargaarka ee Soomaaliya ayaa billaabay qorsho looga jawaabayo abaaraha kaasi oo ku baaqay in la helo kheyraad looga hortagi karo mashkilado ballaaran oo ay sababaan abaarahani.

Phil Evans oo ah Madaxa Hay’adda DFID ugu qaabilsan xafiiskeeda Soomaaliya ayaa sheegay in  abaarta ay saameeysay malaayiin Soomaali ah, qaar badan oo kamid ah dadkaasi ay ka barakaceen guryahooda iyo wixii ay ku noolaayeen si ay u raadsadaan waxyaabaha nolosha aas aasiga u ah.

Lacagtan ayaa ah mid loogu talo galay in lagu soo iibiyo caawimaad lagu badbaadinayo nolosha kumanaano kun oo qof oo kujira xaalado walaac laga muujinayo.

Lacagta ay bixinayso UK oo lagu tiriyo in ay tahay wadamada ugu badan ee deeqaha dhinaca beni’aadannimada ee Soomaaliya.

Cadadka lacagta 8 milyan ee geni ayaa loo kala qoondeeyay in ay ku kala baxdo 3 million oo pound in la siiyo hay’adda Unicef, 3 million oo geni ay uwareegi doonto hay’adda WFP iyo 2 million oo geni oo ay la boodi doonto hay’adda FAO

Bishii April 2019-kii Saduuqa Jawaabaha dhexe ee degdegga ah ee QM “CERF” iyo xafiiska sanduuqa Beni’aadannimada Soomaaliya “SHF” ayaa sii daayay lacag dhan $45.7 million oo doolar si kor looqu qaado kaalamda wax looga qabanayo si loo badbaadiyo dadka ay abaaruhu saameeyeen.

Xafiiska Waaxda Horumarinta  Caalamiga ah ee loo soo gaabiyo DFID ayaa maalgelinaya 84 million oo pound saddex sanno ee soo socota si wax looga qabto howlaha waqtiga dheer soo jiitamayay.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Kulan looga hadlaayay ka jawaabidda Saamaynta Roobabka oo lagu qabtay Muqadisho.

Gudoomiyaha Hay’adda Qaxootiga iyo Barakacyaasha Qaranka Marwo Safiya Xasan...

Wasiirka Cusub ee wasaaradda Arimaha Gudaha oo kormeer shaqo ku tahay Xarunta NIRA.

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha XFS Md. Cali Yuusuf Cali...

Taageerada Beesha Caalamka ay u heyso Soomaaliya oo sii kordhaya (WARBIXIN)

-Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, waxa ay soo dhowaynaysaa war murtiyeedka...