Muqdisho (SNTV)– Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo galay sanadkii 9-aad oo ay qabaneyso Warbaahinta Qaranka, isla markaana si toos ah looga daawanayo Telefishinka Qaranka, lagana dhageysto Idaacadda Radio Muqdisho waxaa caawa kulankiisaย Shan iyo tobnaadย ee wareegga koowaad ku tartamay Degmooyinka Gaalkacyo iyo Xamar Jajab oo ka kala tirsan Gobollada Mudug iyo Banaadir waxaana barnaamijka sanadkii lixaad oo xiriir ah taabagelineysa Maamulka Gobolka Benaadir.
Tartameyaasha labada degmo ee Gaalkacyo iyo Xamar Jajab ayaa muujiyey tartan aad u adag, isla markaana ahaa mid xiiso gaar ah xambaarsan, iyagoo soo bandhigay aqoon iyo asluub wanaag labada dhinac inta uu tartanku socday.
Gaalkacyo
Tartameyaasha Degmada Gaalkacyo ee Gobolka Mudug ayaa waxaa la weydiiyey todobo Suโaal, todobadii suโaal ee la weydiiyay waxa ay ka jawaabeenย Saddexย suโaal, iyagoo iska qaldayย Afarย suโaal, waxa ay ka faaโiideysteenย halย suโaal oo soo hareer martay tartamayaasha Xamar Jajab, sidaa darteed wadarta guud ee dhibcaha tartameyaasha Degmada Gaalkacyo ay heleen waxay noqotayย sideedย (8) dhibcood.
Xamar Jajab
Tartamayaasha Degmada Xamar Jajab ee Gobolka Banaadir waxaa dhankooda la weydiiyay todobo suโaal, waxa ay ka jawaabeenย Laboย suโaal, iyagoo iska qaldayย Shanย suโaal, waxa ay ka faaโiideysteenย Laboย suโaal oo soo hareer martay tartamayaasha Gaalkacyo, sidaasi darteed wadarta guud dhibcaha ay heleen tartameyaasha Degmada Xamar Jajab waxay noqotayย sideedย (8) dhibcood.
Tartanka caawa oo ahaa mid aad u xiiso badan ayaa waqtigii loogu talagalay tartanka labada Degmo ee Gaalkacyo iyo Xamar Jajab waxa uu ku soo idlaaday bar bar dhac 8โ8, waxaana lagu daray suโaalo dheeri ah si loo kala saaro labada degmo sida uu dhigayo sharciga tartanka.
Tartamayaasha Degmada Xamar Jajab ayaa si sax ah uga jawaabay suโaashii sideedaad ee la weydiiyay, balse tartamayaasha Gaalkacyo ayaa dhankooda iska qalday suโaashii dheeriga ahayd, dhigooda Xamar Jajab kama aysan faaโiideysan fursadaas, waxaana wadarta guud ee dhibcaha ay la yidaameen Xamar Jajab noqotayย 10ย dhibcood, halka Gaalkacyo ay la timidย 8ย dhibcood oo qura.
Hadaba kulankiiย 15aadย ee tartan Cilmiyeedka bisha Ramadaan ee Warbaahinta Qaranka caawa waxaa wareegga labaad u soo gudbay tartamayaasha Degmada Xamar Jajab ee Gobolka Banaadir, ayadoo gebagebadii ay labada tartame isugu hambalyeeyeen guushaasi.
Habeen dambe oo ah habeenkaย 16aadย ee tartan Cilmiyeedka bisha Ramadaan ee Warbaahinta Qaranka waxaa ku tartami doona kulanka koowaad ee wareegga labaad Degmooyinka Warta Nabadda iyo Kismaayo oo ka kala tirsan Gobollada Banaadir iyo Jubbada Hoose, kuwaasi oo sanadkii tegay ku kulmay kulankii kama dambeysta ahaa, iyadoo ay tartanka ku guuleysatay Kismaayo oo sanadkan difaacaneysa..