Golaha Ammaanka oo Bogaadiyay korarka dakhliga Dowladda Soomaaliya

Date:

Muqdisho (SNTV):-Warbixin uu soo saaray golaha ammaanka oo looga hadlay xaaladda uu marayo dalka Soomaaliya ayaa lagu muujyay guulalaha laga gaaray dadaallada dowladda federaalka Soomaaliya ay gelisay kor u qaadidda dakhliga gudaha si ay u gaarto isku filnaansho dhaqaale.

Warbixnta  ayaa lagu caddeeyay in dakhliga gudaha dalka Soomaaliya laga soo aruuriyay intii u dhexeysay January iyo November 2018 uu ka badnaa sannadkii ka horreeyay uuna gaaray $161 million.

Sannadkii  2017 ayaa warbixinta lagu sheegay in dakhliga guduhu ahaa $142.6 million.

Qoraalkaan golaha ammaanka kasoo baxay ayaa lagu sheegay in dakhligaas badan ee gudaha kasoo xarooday uu ahaa natiijada kasoo baxday dadaaal ballaaran oo joogta ah oo la geliyay aasaaska canshuur qaadisata, hagaajinta iyo awoodaynta hannaaka canshuur aruurinta iyada oo bishii June 2018 la sameeyay xafiis cusub oo canshuuraha u gaar ah.

GOLAHA AMMAANKA oo u riyaaqay sida ay Soomaaliya uga go’an tahay dhameystirka Barnaamijka Deyn Cafinta

Warbixin golaha ammaanku uu kasoo saaray arrimaha Soomaaliya ayaa lagu sheegay in barnaamijka dayn cafinta dalka wajigiisa sedaxaad (SMP3), barnaamijka socda ee xoojinta awoodda dadaallada lagu hagaajinayo dakhliga gudaha kasoo xarooda iyo hannaanka lagu wada qancay ee dowladdu u dhaqan glisay dhammaan shuduudihii ku xirnaa dib-u-habaynta dhaqaalaha ay muujiyeen sida DFS ay uga go’antahay ka guul gaaridda barnaamijka dayn cafinta dalka.

Warbixinta ayaa sidoo kale lagu sheegay in barnaamijka SMP3 uu watay hadafyo waawayn oo ay kamid ahaayeen in si dhaqsa ah loo dhaqan geliyo isbedelka qaab dhismeedaka bangiga dhexe ee dalka, dadaallada la dagaalanka musuqa iyo isla xisaabtanka oo ay qayb ka yihiin samaynta shariciyada muhiimka u ah ka gun gaaridda hadafyadaas waawayn.

Qoraalka ayaa lagu sheegay in intii lagu guda jiray doodda heerkeedu sarreeyo ee lagu qabtay Washington D.C, in dhinacyada daymaha ku leh Soomaaliya iyo deeq bixiyayaashuba ay xaqiiqsadeen in horumar wayn la gaaray, dib-u-qaabaynta hay’adaha dhaqaalaha  arrintaas oo dalka soo gaarsiisay heerka go’aannada looga gaaro wadamada faqriga ah ee sida xad dhaafka ah u daymaysan (HIPC).

Warbixnta golaha amaanka ayaa lagu sheegay in dhammaan dhinacyada muhiimka ah ee daymaha ku leh Soomaaliya ay ka hadleen dareenkooda ku aaddan taageerada qorshaha daynta looga cafinayo Soomaaliya, maadaama ay ku qanceen sida ay uga soo bexeen shuruudihii laga doonayay in kasoo gudbaan.

Warbixinta ayaa lagu sheegay in magacaabistii guddoomiyaha Bangiga dhexe ay ahayd tillaabo wanaagsan oo muujinaysa in Soomaaliya ay xaqiijisay hadafyada dib-u-habaynta dhaqaalaha dalka.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Madaxda Haya’adda Qaxoontiga Qaranka oo xafiiskooda ku qaabilay Ku-xigeenka Wakiilka Hay’adda Qaxootiga Adduunka ee UNHCR Soomaaliya

Guddoomiyaha Hay’adda Qaxootiga iyo Barakacayaasha Qaranka (NCRI), Mudane Axmed...

Wasiirka Amniga XFS oo furay barnaamuj diiradda lagu saarayo horumarinta Wejiga labaad ee Barnaamijka Wadajirka Booliska

Wasiirka Amniga Gudaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, General Cabdullaahi Sheekh...

Galmudug oo shaacisay in dadka iyo duunyada ku nool Mudug ay saameyn xooggan ku yeesheen abaaraha dalka ka jira

Wasaaradda Gargaarka, Maareynta iyo Masiibooyinka Dowlad Goboleedka Galmudug ayaa...

Soomaaliya iyo Qatar oo kala saxiixday heshiis iskaashi difaac

Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo Dowladda Qatar ayaa maanta kala...