Maxkamadda Sare Ee Ciidamada Qalabka Sida oo Xukun ku riday Laba katirsan Maleeshiyada Alshabaab

Date:

Goโ€™aan Qoraaleedka ka Soo baxay Maxkamadda Sare Ee Ciidamada Qalabka Sida ayaa U qornaa Sidan:-

ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย โ€œMARKAYย ARAGTAY: Rafcaanka ay usooo gudbiyeen ย ย Xukunsaneyaal:-

ย  1.Canshuur Cusmaan Abuukar Cumar (Asad) 21 jir ah ina Faadumo Aadan Cusmaan ku dhashay Sh/dhexe.

ย 2.Maxamed Cali Boorow Aadan (C/xakiin) 25 ina Xaawo Cawil Mursal ku dhashay Baydhabo.

ย 

MARKAYย ARAGTAY: Aayada 178aad Suartul Baqara iyo aayadaha 33, 45aad suuratul Maaโ€™ida iyo Qodobada 221,222,434/71 XCS. iyo Qodobkaย  koowaad XCCQS. oo lid ku ahย Rafcaanlayaasha.ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย 

ย 

MARKAY ARAGTAY: Xukunka Maxkamadda Darajada koowaad ee Ciidamada Qalabka Sida ย eeย 20.03.2019 kuna xukuntay Dil Toogasho ah Racfanlayaasha.

MAXKAMADDUย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย 

MARKAYย ARAGTAY: Maxkamaddu Qiraalka Eedaysane Canshuur Cismaan Abuukar Cumar (Asad) ย oo uu ka hor qoray ย garsooraha hortiisa kuna cadeeyayย  in uu ka tirsanaa kooxda Al-shabaab kana soo shaqeeyay qaybo kala duwan oo ay ka mid tahay weerarada lagu fuliyo baabuurta asigooย  qayb ka ahaa weeraro ay ka mid ahaayeen weerarkii 15/08/2017 degmada Hodan lagula beegsadayย ย ย  gaari Hartoop langaruusal ah oo ay saarnaayeen hal qoys oo uu ku geeriyooday hal ruux kuna dhaawacmeen 5 ka mid qosykii gaariga saarnaa,

ย  sidoo kale wuxuu eedaysanuhu sheegay in uu qayb ka ahaa weerarkii lagu qaaday gaari Saruf ah oo marayay isgoyska via Roma ee degmmada Xamar-wayne 27/09/2017 oo ay ku geeriyoodeen labadii ruux ee saarnaa gaariga , sidoo kale eedaysanuhu wuxuu garsoorka u cadeeyay in uu ahaa sahmiyihii weerar iyo qaraxyo lala beegsadayย  09/11/2018,ย ย  Hotel Sahafi weerarkaas oo ay ku geeriyoodeen 32 ruux kuna dhaawacmeen 69 ruux oo kale, iyadoo ciidanka amniga ay soo qabteen kadib markii uu ka degay gaarigii labaad ee ku qarxay 22/12/2018 agagaarka Daljirka daahsoon , qaraxaas oo ay ku geeriyoodeen labo macalin oo ka tirsanaa iskuulka Yaasiin Cusmaan.

ย 

MARKAYย ARAGTAY: Qiraalka eedeysane 2.Maxamed Cali Boorow Aadan (C/xakiin) uu ka hor bixiyay Garsoorka Maxakamadda Ciidamada Qalabka Sida in uu ka tirsanyahay kooxda Alshabaab gaar ahaan qeybta qaraxyada isaguna sahmiye ka ahaa qaraxii ka dhacay Degmada Howl-wadaag 02.09.2018 sidoo kalane ย uu ka mid ahaa weerarkii lagu qaaday tiyaatarka qaranka 22.12.2018, waxa ay ย ciidanka amnigana ย gacanta ku dhigeen kadib markii uu ka dagay gaarigi labaad ee ku qarxay Taalada Daljirka Daahsoon.

MARKAY DHAGEYSATAY: markhaatiyaasha ย ย la horkeenay maxkamadda sare Ciidamada Qalabka Sida ย mid midna ay u waydiisay marag furkooda waxay maxkamadda ka hor cadeeyeen in ay dad shacab ah u sheegeen in labada Racfaanle ay ka degeen gaari ay dhigeen agagaarka Daljirka dahsoon sidaasna ay ku qabteenย  intii ay waraysanayeena uu qarxay gaarigii ay ka degeen, qaraxaas oo sababay dhimashada 3 ruux oo labo ka mid ah ay ahaayeen macalimin iskuul.ย ย ย 

MARKAY DHAGEYSATAY: doodii dhinacyada Xeer-ilaalinta Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida iyo Qareenakaย difaaca Racfaanlayaasha.

MAXKAMADDA SARE CIIDAMADA QALABKA SIDA ย WAXAA U CADAATAY IN:ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย 

1.Canshuur Cusmaan Abuukar Cumar (Asad) 2.Maxamed Cali Boorow Aadan (C/xakiin) in ay yihiin dembiilayaal galay dembiyadii laguย sooย oogay.ย ย 

WAXAYNA KU RAACDAY

ย Xukunkii Maxkamadda Darajada 1-aad CQS oo ahaa ย DIL TOOGASHO AH, oo ah ย qisaasta Marxuumiintii ku geeriyooday qaraxyadii iyo weeraradii ay geysteen.โ€ Sida uu u sheegay Warbaahinta Sarreeye Guuto Liibaan Cali Yarow guddoomiyaha Maxamadd Sare Ee Ciidamada Qalabka Sida.

ย 

ย 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Raโ€™iisul wasaaraha XFS iyo wafdigiisa oo gaaray magaalada Laascaanood

Raโ€™iisulwasaaraha xukuummadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamse Cabdi Barre iyo...

Laascaanood oo si weyn looga dareemayo soo dhowaynta Raโ€iisul wasaaraha xukuummadda Federaalka Soomaaliya

Qaban qaabadda soo dhowaynta Raโ€iisulwasaaraha xukuummadda Federaalka Soomaaliya ayaa...

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo Ciidamada Xoogga dalka ugu hambalyeeyey sanadguurada 65-aad

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane...