Waaberi oo caawa u gudubtay wareegga labaad ee Tartan Cilmiyeedka Warbaahinta Qaranka

Date:

Muqdisho (SNTV)- Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo galay sanadkii 9-aad oo ay qabaneyso Warbaahinta Qaranka, isla markaana si toos ah looga daawanayo Telefishinka Qaranka, lagana dhageysto Idaacadda Radio Muqdisho waxaa caawa kulankiisa saddex iyo tobnaad ee wareegga koowaad ku tartamay Degmooyinka Waaberi iyo Xudur oo ka kala tirsan Gobollada Banaadir iyo Bakool, waxaana barnaamijka sanadkii lixaad oo xiriir ah taabagelineysa Maamulka Gobolka Benaadir.

 

Tartameyaasha labada degmo ee Waaberi iyo Xudur ayaa muujiyey tartan aad u adag, isla markaana ahaa mid xiiso gaar ah xambaarsan, iyagoo soo bandhigay aqoon iyo asluub wanaag labada dhinac inta uu tartanku socday.

Waaberi

Tartameyaasha Degmada Waaberi ee Gobolka Banaadir ayaa waxaa la weydiiyey todobo Suโ€™aal, todobadii suโ€™aal ee la weydiiyay waxa ay ka jawaabeenย Saddexย suโ€™aal, iyagoo iska qaldayย Afarย suโ€™aal, Waxa ay ka faaโ€™iideysteenย halย suโ€™aal oo soo hareer martay tartamayaasha Xudur, sidaa darteed wadarta guud ee dhibcaha tartameyaasha Degmada Waaberi ay heleen waxay noqotayย sideedย (8) dhibcood.

Xudur

Tartamayaasha Degmada Xudur ee Gobolka Bakool waxaa dhankooda la weydiiyay todobo suโ€™aal, waxa ay ka jawaabeenย Saddexย suโ€™aal, iyagoo iska qaldayย Afarย suโ€™aal, ma jrin wax ka faaโ€™iideysi ah oo ay heleen, sidaasi darteed wadarta guud dhibcaha ay heleen tartameyaasha Degmada Xudur waxay noqotay lix (6) dhibcood.

Hadaba kulankiiย 13aadย ee tartan Cilmiyeedka bisha Ramadaan ee Warbaahinta Qaranka caawa waxaa wareegga labaad u soo gudbay tartamayaasha Degmadaย Waaberiย ee Gobolka Banaadir, ayadoo gebagebadii ay labada tartame isugu hambalyeeyeen guushaasi.

Habeen dambe oo ah habeenkaย 14aadย ee tartan Cilmiyeedka bisha Ramadaan ee Warbaahinta Qaranka waxaa ku tartami doona ilaa iyo afar degmo, maadaama ay habeen dambe tahay habeenka ugu dambeysa wareegga koowaad ee tartanka, waxaana qeybta hore saacaddu marka ay tahay 9:30 pm ku tartami doona Degmooyinkaย Howlwadaagย iyoย Heliwaaย oo ka wada tirsan Gobolka Banaadir, halka qeybta dambe ay ku tartami doonaan degmooyinkaย Xamar Jajabย iyoย Gaalkacyoย oo ka kala tirsan Gobollada Banaadir iyo Mudug.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Raโ€™iisul wasaaraha XFS iyo wafdigiisa oo gaaray magaalada Laascaanood

Raโ€™iisulwasaaraha xukuummadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamse Cabdi Barre iyo...

Laascaanood oo si weyn looga dareemayo soo dhowaynta Raโ€iisul wasaaraha xukuummadda Federaalka Soomaaliya

Qaban qaabadda soo dhowaynta Raโ€iisulwasaaraha xukuummadda Federaalka Soomaaliya ayaa...

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo Ciidamada Xoogga dalka ugu hambalyeeyey sanadguurada 65-aad

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane...