Buundada Deegaanka Ceel-Gaal oo dib u dhis lagu sameynayo

Date:

 Beledweyne (SNTV)- Maamulka Degmada Beledweyne, Ganacsatada iyo dadka Deegaanka Ceel-Gaal ayaa waxaa ay bilaabeen in dib u dhis ku sameeyaan Buundada Deegaanka Ceel-Gaal oo dhawaan ku burburtay Roobabkii ka da’ay Gobolka Hiiraan.

 

Inka ka badan konton Gaadiidka Xamuulka ayaa ku xayiran dhinaca Waqooyi ee Gobolka Hiiraan, kuwaasi oo ay u suuro geli weyday in ay usoo gudbaan Gobolka intiisa kale.

Buundadaan ayaa waxaa ay muhiim u tahay isku socodka Gaadiidka ee Koonfurta iyo Bartamaha Soomaaliya, waana taasi mida keentay in si deg deg ah dhismaheeda uu ku bilowday.

Xiliyada roobabka bilowdaan ayaa waxaa ciriiri noqda wadooyinka Gobolka Hiiraan, waxaana taasi ugu wacan wadooyinka iyo Buundooyinka oo aan in mudo ah helin wax dayac tir ah.

Roobabkii ayaa waxaa ay sidoo kale saamayn ku yeesheen dhinaca kale duulimaadkii Garoonka Ugaas Khaliif ee magaalada Beledweyne oo muddo afar maalmood ah wax duulimaad ah ka jirin, bulshadana ay ka baxaan Degmada Dhuusomareeb iyo magaalada Guriceel ee Gobolka Galgaduud.

Mana jirto cid sida muuqata u istaagtay dhismaha garoonka, waana garoonka ugu shaqada badan marka loo eego Gobolada Dhexe ee Soomaaliya.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Madaxda Haya’adda Qaxoontiga Qaranka oo xafiiskooda ku qaabilay Ku-xigeenka Wakiilka Hay’adda Qaxootiga Adduunka ee UNHCR Soomaaliya

Guddoomiyaha Hay’adda Qaxootiga iyo Barakacayaasha Qaranka (NCRI), Mudane Axmed...

Wasiirka Amniga XFS oo furay barnaamuj diiradda lagu saarayo horumarinta Wejiga labaad ee Barnaamijka Wadajirka Booliska

Wasiirka Amniga Gudaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, General Cabdullaahi Sheekh...

Galmudug oo shaacisay in dadka iyo duunyada ku nool Mudug ay saameyn xooggan ku yeesheen abaaraha dalka ka jira

Wasaaradda Gargaarka, Maareynta iyo Masiibooyinka Dowlad Goboleedka Galmudug ayaa...

Soomaaliya iyo Qatar oo kala saxiixday heshiis iskaashi difaac

Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo Dowladda Qatar ayaa maanta kala...