Dowladda Soomaaliya oo go’aan ka soo saartay Dhoofinta Dhuxusha

Date:

Muqdisho (SNTV)–Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka ayaa maanta soo saaray War-saxaafadeed ku Saabsan soo Saaridda iyo Dhoofinta Dhuxusha.

War saxaafadeedku waxa uu u qoraa sidan:-
 Soo saaridda iyo dhoofinta dhuxushu waxay saamayn laxaad leh ku leedahay xaalufinta deegaanka, waxayna il wayn oo dhaqaale u tahay argagixisada.

 Dhoofinta dhuxusha waa fal-dambiyeed lagu ciqaabi karo Xeerka Ciqaabta Soomaaliyeed, waxaana lagu mamnuucay Qaraarka Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay S/RES/2036 (2012) ee ku saabsan mamnuucidda, dhoofinta iyo soo dejinta dhuxusha Soomaliyeed si dadban ama si toos ah xataa haddii aanay dhuxushaasi Soomaaliya toos uga imaanin.

 Xeer-Ilaaliyaha Guud ee Qaranku wuxuu baaris ku hayay fal-danbiyeedkaa foosha xun, wuxuuna isagoo la kaashanaya INTERPOL ku dhawyahay in la soo qabto xubno ka ganacsada soo saaridda iyo dhoofinta dhuxusha.

 Iyadoo taasi jirto ayaa haddana waxaa jira xog lagu kalsoon yahay oo sheegaysa inay dib u billaabatay soo saaridda iyo dhoofinta dhuxusha xeebaha Soomaaliya.

 Xafiiska Xeer-Ilaaliyaha Guud ee Qaranka wuxuu uga digayaa ganacsatada Soomaaliyeed ee ku nool dalka gudahiisa ama dibaaddiisa kuna lug leh dhoofinta dhuxusha sharci darrada ah inay joojiyaan faldanbiyeedkaa waxayna wajahayaan ciqaabta ka dhalata fal-danbiyeedkaas sida ku xusan
Xeerka Ciqaabta Soomaaliyeed.

 Si arrintaa wax looga qabto Xafiiska Xeer-Ilaaliyaha Guud ee Qaranka ayaa la kaashanaya Booliska Soomaaliyeed guud ahaan iyo ka Dawlad-Goboleedka Jubaland gaar ahaan.

 Xafiiska Xeer-Ilaaliyaha Guud ee Qaranka wuxuu ka digayaa in doomaha iyo maraakiibta lagu raro dhuxusha in lala wareegayo iyadoo loo marayosida ay qabaan shuruucda dalka.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Maamulka Gobolka Banaadir oo ka shiray amniga, bilicda iyo adeegyada bulshada

Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir, ahna Duqa Muqdisho, Dr. Xasan...

Ra’iisul Wasaaraha XFS oo magacaabay Xoghayaha Guud ee Guddiga Qaran Tacliinta sare

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, mudane Xamza Cabdi...

Illaa kun ruux oo ku dhintay dhul go’ ay sababeen roobab ka da’ay Sudan

Ugu yaraan 1,000 qof ayaa ku dhintay buuraha fog...

Guddoomiyaha SoDMA oo kulan la qaatay Wakiilka Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Dowladda Norway u fadhiya Soomaaliya

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin...