Wasiirka Maaliyadda XFS oo sheegay in la dhameestiray wajiga 3-aad ee wadahadalka deen cafinta.

Date:

Muqdisho (SNTV)– Wasiirka Maaliyadda Dowladda federaalka Soomaaliya Dr: Cabdiraxmaan Ducaale Beyle oo qabtay Shirka Bilaha ayaa faahfaahin ka bixiyay wada hadaladii ugu dambeeyay ee deyn cafinta Soomaaliya oo ay la galeen Wadamadda iyo hey’adaha Soomaaliya lacagta ku leh.

Wasiir Beyle waxa uu sheegay in shirarkii ka dhacay Mareykanka Dowladda Soomaaliya muhiimad gaar ah la siiyay, si ay u soo bandhigto marxalada dhaqaale dalka, dalabka deyn cafinta, iyada oo ay fadhiyeen hey’adaha iyo Wadamada deymaha ku leh Soomaaliya.

Wasiirka oo hadalkiisa sii wata ayaa sheegay in Shirkii xigay ee wadahadalka deyn cafinta oo ka dhacay Addis ababa, iyadoo la isla meel dhigay dhameystirka Wajiga seddexaad ee wada hadalka deny cafinta iyo waqtiyenta shirka kama dambeysta ah ee deymaha looga cafinayo Soomaaliya oo dhacaya horraanta sanadka soo aadan ee 2020-ka.

Wasiirka Maaliyadda Cabdiraxmaan Beyle ayaa sidoo kale ka hadlay Mashruuc ay taageeraayan Midowga Yurub iyo Banka aduunka oo lagu horumariyo is-dhaxgalka dhaqaalaha Waddamada Geeska Afrika iyo kulama ay wada qaateen Wasiirada dhigiisa ah ee gobolka, waxaana uu hoosta ka xariiqay in mashruucani yahay mid faai’da badan u leh Gobolka, dalwaliba uga faa’iidaysanayo halku wax soo saarkiisu ku wanaagsan yahay.

Wasiir Beyle ayaa gabagaba sheegay in laga maarmaan tahay in labada gole ee Barlamaanka Soomaaliya ay meel mariyaan shuruucda dhinaca Maaliyadda ah ee Golaha Wasiiradu soo gudbiyeen ayna qeyb ka yihiin shuruudaha ay tahay ka hor sanadkaan ay Soomaaliya ka gudubto waxaana ka mid ah shuruucdaasi sharciga maamulka Dhaqaalaha dalka (PFM) , kan Dakhliga, mideynta canshuuraha iyo kastamyada iyo sharciga Iibka Qaranka oo dib u noqosho lagu sameynayo.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Safiirka Soomaaliya u fadhiya dalka Yemen oo ka warbixiyey xaallada ay ku sugan yihiin Qaxootiga Soomaaliyeed ee ku nool Yemen

Safiirka Soomaaliya ee dalka Yemen, Danjire Cabdixakiin Xaaji Maxamed...

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo Nairobi ku soo xiray shir looga hadlayay bixinta digniinaha halista musiibooyinka

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macalin...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo kulan qado sharaf ah ku maamusay Madaxdii hore ee Dalka

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo billad sharaf Qaran guddoonsiiyey dhiggiisa dalka Jabuuti

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...