Wasiirka Cusub ee Wasaaradda Warfaafinta XFS oo Xilka la wareegay

Date:

Muqdisho (SNTV) Wasiirka Cusub ee Wasaaradda Warfaafinta Xukuumadda federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdi Xayir Maareeye ayaa maanta xilka kala wareegay Wasiirki hore Daahir Maxamuud Geelle.

Xilwareejinta ayaa  waxaa kasoo qeyb galay Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Xukuumadda Federaalka Mudane Mahdi Maxamed Guuleed Khadar iyo Madaxda kale ee Wasaaradda.

Wasiirkii Hore Wasaaradda Warfaafinta Daahir Maxamuud Geele ayaa xilka ku wareejiyey Wasiirka Cusub ee Wasaaradda Maxamed Cabdi Xayir “Maareeye” isagoo sheegay in Warfaafintu heyso Shaqo badan oo aad muhiim ugu ah dadka Soomaaliyeed.

“Waxaan aad ugu faraxsanahay in aan xilkii Wasaaradda ku wareejiyo Wasiirka cusub waxaan u rajeynaa in uu shaqada meesheedii kasii wado meel fiican ayaana ugu imid ugana tagaa” ayuu yiri wasiirkii hore ee warfaafinta

Wasiirka Cusub ee Warfaafinta Maxamed Cabdi Xayir Maareeye ayaa sheegay inuu halkaas kasii wedi doono shaqadii uu haayay Wasiir Geelle.

“Aad ayuu mahadsan yahay Wasiir Geele oo aan maanta shaqadda kala wareegayo waxaana balan-qaadaa in Howsha aan meesheedii kasii wado aniga oo latashanaya asiga iyo Shaqaalaha kale ee Wasaaradda”.

Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Xukuumadda ayaa Wasiirkii hore ku bogaadiyey shaqadda uu qabtay mudadii uu joogay, isaga oo Wasiirka cusubna sheegay in sababta loo soo xushay ay tahay in aqoon uu u leeyahay Warfaafinta.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Ciidanka Xoogga oo khawaarijta ku jabiyay dagaal ay kula galeen agagaraarka Daynuunaay ee Gobolka Bay

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa Maleeshiyaadka Al-Shabaab ku jabiyay...

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka XFS oo guddoomiyey Shirka Arrimaha Bani’aadanimada Soomaaliya

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed...

Wasiiru-Dowlaha Caddaaladda oo xilka u kala wareejiyay taliyihii hore ee Ciidanka Asluubta iyo taliyaha cusub

Wasiiru-Dowlaha Wasaaradda Caddaaladda Soomaaliya, ahna Ku-simaha Wasiirka, Mudane Ilyaas...

Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka oo Bilowday Barnaamij Tababar oo ku Saabsan Amniga Saaybarka

Maareeyaha Guud ee Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka, Mudane Mustafa Yaasiin...