Maamulka G. Banaadir oo maanta dhagax dhigey waddo laami ah oo laga hirgalinayo Degmada Shingaani

Date:

Muqdisho 08 May 2019—Maamulka Gobolka Banaadir ayaa maanta dhagax dhigey waddo laami ah oo laga hirgalinayo Degmada Shingaani, waddadan ayaa waxa ay ka bilaabaneysaa Wasaaradda Gaadiidka Cirka iyo Dhulka ilaa Saldhiga Degmada Cabdi-Casiis oo muhiim u ah isu socodka labada Degmo.

Ku-simaha Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Guddoomiye ku-xigeenka Maamulka iyo Maaliyadda Mudane Xuseen Maxamed Nuur oo ka hadlay dhagax-dhigga waddadan cusub ee maamulku dhisayo ayaa sheegay in ay ka go’an tahay in shacabka lagu celiyo canshuuraha laga soo qaado, si bulshadu u dareento wixii ay bixiyeen in wax loogu qabtay.

Guddoomiyaha ayaa tilmaamay in jidkani uu laf-dhabar u yahay isku socodka Caasimadda, gaar ahaan labada degmo ee Shingaani iyo Cabdicasiis oo waddadan ay isku xirto.

Sidoo kale, Guddoomiye Xuseen ayaa ugu baaqay shacabka Caasimadda in loo istaago horumarka iyo bilic soo celinta Caasimadda, iyadoo muwaadin walba ay tahay masuuliyad saaran ilaalinta nadaafadda deegaanka uu dagan yahay.

Duqa Muqdisho ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa horey ugu dhawaaqay in sanadka 2019 ay ka fulin doonaan Caasimadda mashaariic horumarineed oo lagu dhisayo kaabayaasha adeegyada bulshada.

Munaasabadda dhagax-dhigga ayaa waxaa ka qeyb galay Guddoomiye ku xigeenada Arrimaha Bulshada, Howlaha Guud iyo Guddoomiyaha Degmada Shingaani.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Caafimaadka oo ka qeybgalay shirweynaha wax ka qabashada cudurada aan faafin

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya,...

Wasiirka Warfaafinta oo Wasaaradda ku soo dhaweeyay Ku-simaha Safiirka Dowladda Liibiya u jooga Soomaaliya

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda Jamhuuriyadda...

Baaq-nabadeed oo laga soo saaray xaaladda Aricadeeye

Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u Heshiisiinta Xukuumadda...

Soomaaliya oo garab istaag u muujineysa Dowladda Qatar

War-saxaafadeed ka soo baxay Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa garab...