Eng. Yarisow oo sheegay Mataaneynta Muqdisho iyo Saint Paul in qeyb weyn ay ka qaadan doonto horumarka iyo dib-u-soo kabasha Caasimadda

Date:

Muqdisho 09 May 2019— Duqa Muqdisho ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cismaan (Eng. Yarisow) ayaa ku dhawaaqay Mataaneynta magaalooyinka Muqdisho iyo Saint Paul, isagoo sheegay in tallaabadani ay qeyb weyn ka qaadan doonto horumarka iyo dib-u-soo kabasha Caasimadda Muqdisho oo xiligan ku socota dhabaha horumarka iyo wax-wada qabsiga Caalamka.

Duqa Muqdisho ayaa ku boggaadiyey Jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalka Mareykanka kaalinta wax ku oolka ah ee ay ka qaateen dhaqan gelinta mataaneynta Muqdisho iyo Saint Paul oo guul ku soo dhammaatay

Qorsheyaasha ku jira heshiiska Mataaneynta labada Magaalo ayaa horseedaya wax-wada qabsi iyo is-dhaafsiga khibradaha la is dheer yahay, tayeynta shaqaalaha, qorsheynta iyo fulinta mashaariicda horumarineed, ilaalinta bilicda iyo deegaanka.

“Waxaan ku faraxsanahay oo sharaf weyn u ah dhammaan shacabka Soomaaliyeed in codsigii aan u gudbiyey Mayor-ka magaalada Saint Paul ee dalka Mareykanka la soo aqbalay in Muqdisho iyo Saint Paul la mataaneeyo. Waxaan u mahadcelinayaa Golaha deegaanka oo uu xubin ka yahay Kasim Busuri, Soomalida Minnesota iyo shaqsi walba oo kaalin ka geystay”

Duqa Saint Paul Melvin Carter ayaa sheegay in Mataaneynta labada magaalo ay tahay mid ku timid saaxiibtinimada labada bulsho, isagoo ku casuumay Duqa Muqdisho inuu yimaado Saint Paul si loo dar-dargeliyo mataaneynta .

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Cabdiraxmaan Cumar Cismaan (Eng. Yarisow) ayaa sheegay in Jaaliyadaha Soomaaliyeed ee ku nool dalalka Caalamka ay sanadihii dhowaa kaalin wanaagsan ka qaadanayeen siyaasadaha dalalka ay ku nool yihiin, tanoo kor u qaaday sumcadda ummadda Soomaaliyeed.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Warbixinta Toddobaadlaha ee DFS oo soo baxday 

1- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa furay Shirka Iskaashiga...

Madaxda Caddaaladda oo ka qeybgalay Bandhigga Nidaamka Gal-dacwadeedyada Dijitaalka ah

Qaar ka mid ah madaxda hay’adaha ugu sareeya ee...

Golaha Wasiirrada oo ansixiyey heshiisyo dhowr ah

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, oo maanta yeeshay...

Taliyaha CB Soomaaliyeed oo guddoomiyay kulanka toddobaadlaha ah ee amniga Caasimadda

Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, Sareeye Guuto Asad Cismaan Cabdullaahi,...