Hay’adda Qatar Charity oo daah furtay masharuuc lagu afurinayo 1100 kun oo qof guud ahaan dalka

Date:

Munaasabadan oo lagu daah furayay barnaamij loogu talagalay in lagu afuriyo ilaa 1100 kun oo isugu jira Barakacayaasha iyo Danyerta Muqdisho iyo gobolada Dalka ilaa 30 bisha Ramadaan,ayaa lagu qabtay magaalada Muqdisho,waxaana ka qeybgalay Wasiirka Gargaarka,Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Owqaafta iyo Arrimaha Diinta ee Soomaaliya,Danjiraah Qatar ee Soomaaliya Madaxda Hay’adda Qatar Charity,aqoonyahano iyo xubno ka socda bahda waxbarashada.

Dhaqaalahan ayaa waxaa iska soo uruuriyay shacabka iyo ganacsatada Dalka Qatar,kuwaasi oo ugu talagalay in ay caawiyaan shacabka Soomaaliyed,kuwoodi dhibaataysan.

Cabdinuur Xaaji Cali oo ah madaxa Hay”adda Qatar Charity xafiiskieeda Soomaaliya ayaa daahfurka ku faah faahiyay sida ay ugu talagaleen in ay u fuliyaan mashruucani afurinta dadka sooman.

“Maanta waxaan rabnaa in aan daahfurno mashruuc balaaran oo afurin ah,oo lagu afurin doono 1100 kun oo qof dhamaan gobolada dalka Soomaaliya,dhamaan gobolada ayuu ka bilowday,waxaana xooga saari doonaan dadka barakacayaasha ah,dadka barakacayaasha ah oo u badan deegaanak Treedishe iyo dhaman gobolada dalka,waxa gargaarka aan ugu talagalnay waqtigan oo dadku baahiy ay u qabaan,marka sanadkan saad wada ogsoontihiin waxaa soo daahay waqtigii roobka ayaa soo daaha, marka culeys ayaa ka dagaya dadka”.

Wasiiru Dowlaha Owqaafta iyo Arrimaha Diinta Soomaaliya Cabdixakiin Ashkir ayaa talaabo wanaagsna ku tilmaamay u gargaaridad dadkan tabaalaysan iyo fursadaha waxbarasho oo Hay”adda Qatar Charity ay siiso dhalinyaro Soomaaliyeed.

“Dalkeenu wuxuu u baahanyahay in waxbarashada dhalinyarada iyo garaadkooda la garab istaago,si ay beri ay dadka iyo dalku ay u garab istaagaan,marka mashruucan waa mid dhiirogelin mudan,waxaa ka sii wanaagsan deeqaha waxbarasho ee ardayda la siinayo”.Ayuu yiri mudane Ashkir.

Ugu dambeyn wasiirka wasaaradda Gargaaka Xukuumadda Soomaaliya Xamsa Siciid Xamsa ayaa siweyn uga hadlay howlaha gargaarka ee dalka ka socda iyo dhibaatooyinka ay qabaan bulshada Somaaliyeed,mahadcelin ka sokow wuxuu ugu baaqay bulshada Soomaaliyeed meelkasta oo ay joogaan in ay ku deydaan mashaariicdan gargaarka ah oo kale,si loo samatabixiyo dadka tabaalaysan.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasaaradda Gaadiidka Badda XFS oo si rasmi ah u diiwaangelisay markab sita calanka Soomaaliya

Wasaaradda Dekedaha iyo Gaadiidka Badda ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya...

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo isbeddel ku sameeyay Agaasimayaasha Guud ee Wasaaradaha Dowladda

Muqdisho , 1-da April , 2026 : Ra’iisul Wasaaraha...

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo Baydhabo kulan kula qaatay Mas’uuliyiinta Wasaaradaha KGS 

Baydhabo, Soomaaliya – 1-da Abriil, 2026: Guddoomiyaha Golaha Shacabka...

Duqa Muqdisho oo xarigga ka jaray Waddada Sheekh Cali Suufi

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho, Mudane Xasan Maxamed...