Kismaayo oo is geeysay wareegga labaad ee Tartan Cilmiyeedka Bisha Ramadan

Date:

Muqdisho (SNTV)-Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo galay sanadkii 9-aad oo ay qabaneyso Warbaahinta Qaranka, isla markaana si toos ah looga daawanayo Telefishinka Qaranka, lagana dhageysto Idaacadda Radio Muqdisho ayaa waxaa caawa kulankiisa ugu horeeyay ee wareegga koowaad lagu daah furay Degmooyinka Kismaayo Vs Boondheere oo ka kala tirsan Gobollada Jubbada Hoose iyo Banaadir, waxaana barnaamijka sanadkii lixaad oo xiriir ah taabagelineysa Maamulka Gobolka Benaadir.

 

Tartameyaasha labada degmo ee Kismaayo Vs Boondheere ayaa muujiyey tartan aad u adag, isla markaana ahaa mid xiiso gaar ah xambaarsan, iyagoo soo bandhigay aqoon iyo asluub wanaag labada dhinac inta uu tartanku socday.

Kismaayo

Tartameyaasha Degmada Kismaayo ee Gobolka Jubbada Hoose oo ah degmadii ku guuleysatay sanadkii tegay ayaa waxaa la weydiiyey todobo Suโ€™aal, todobadii suโ€™aal ee la weydiiyay waxa ay ka jawaabeenย saddexย suโ€™aal, halka ay iska qaldeenย afarย suโ€™aal, waxa ay ka faaโ€™iideysteenย halย suโ€™aal oo soo hareer martay tartamayaasha Degmada Boondheere sidaa darteed wadarta guud ee dhibcaha tartameyaasha Degmada Kismaayo ay heleen waxay noqotay sideed (8) dhibcood.

Boondheere

Tartamayaasha Degmada Boondheere ee Gobolka Banaadir waxaa dhankooda la weydiiyay todobo suโ€™aal, waxa ay ka jawaabeenย saddexย suโ€™aal, iyagoo iska qaldayย afarย suโ€™aal, mana jirin wax ka faaโ€™iideysi ah oo ay heleen, sidaasi darteed wadarta guud ee dhibcaha ay heleen tartameyaasha Degmada Boondheere waxay noqotay lix (6)ย dhibcood.

Hadaba kulankii 1aad ee tartan Cilmiyeedka bisha Ramadaan ee Warbaahinta Qaranka caawa waxaa wareega xiga u soo gudbay tartamayaasha degmadaย Kismaayoย ee gobolka Jubbada Hoose oo sanadkan difaacaneysa tartanka, ayadoo gebagebadii ay labada tartame isugu hambalyeeyeen guushaasi.

Habeen dambe oo ah habeenka 2aad ee tartan Cilmiyeedka bisha Ramadaan ee Warbaahinta Qaranka waxaa ku tartami doona degmooyinka Jilib iyo Warta Nabadda oo ka kala tirsan Gobollada Jubbada Dhexe iyo Banaadir.

 

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Raโ€™iisul wasaaraha XFS iyo wafdigiisa oo gaaray magaalada Laascaanood

Raโ€™iisulwasaaraha xukuummadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamse Cabdi Barre iyo...

Laascaanood oo si weyn looga dareemayo soo dhowaynta Raโ€iisul wasaaraha xukuummadda Federaalka Soomaaliya

Qaban qaabadda soo dhowaynta Raโ€iisulwasaaraha xukuummadda Federaalka Soomaaliya ayaa...

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo Ciidamada Xoogga dalka ugu hambalyeeyey sanadguurada 65-aad

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane...