Burcad ku dhici jiray dadweynaha Shaatiga Ciidamada Amniga oo la xukmay.

Date:

Muqdisho (SNTV)– Dable Axmed Maxamed Xuseen oo katirsan Ciidamada Amniga gaar ahaan Boliska ayaa siyaaba kala duwan dhac ugu geystayย  dad rayid ah oo uu u galay waddada xilliya kala duwan qeyba kamid ah degmada Kaaraan gaar ahaan Xaafadda Jamhuuriya.

March Tobankeedii ย ย Sanadkan ayay Ciidamada amniga kasoo qabteen Xaafadda Jamhuuriye xilligaasi oo uu gacmaha kula jiray dhac uu u geysanayay ย qaar kamid ah bulshada ku dhaqan xaafadaasi.

Todoba qof oo dhibana u ah ayaa iska diiwaan geliyay ย galka cabashada Ciidamada Amniga ee degmada Kaaraan kuwaasi oo ka cabanayay dhac uu u geystay Dable Boliis Axmed Maxamed Xuseen.

$604 agab Teleefoona ah oo kala duwan lacag u dhiganta ayuu qaatay iyo ย malyan iyo Shan boqol oo ย Shilin Soomaali ah.

12-bishii sedaxaad ayaa loo soo wareejiyay kiiskiisa xafiiska xeer ilaalinta ciidamada qalabka sida, wixii xilligaasi ka dambeeyay Garsoorka Ciidamadaย  ayaa u diray xabsiga dhexe ย si loo soo dhameystiro Cadeymaha kiiska eedeysanaha.

Sedaxda ย bishiiย  tagtay ayay xafiiska xeer ilaalinta codsadeen in la horgeeyo Maxkamadda, lix cisha kadib ayay Maxkamadda ballamisay eedeysanaha maxkamadeyntiisa.

Xafiiska xeer ilaalinta ayaa horkeenay Maxkamadda ilaa todoba dhibane oo dhammaan dacwad ka ah eedeysanaha oo siyaaba kala duwan uga qaatay teleefanadooda isaga oo ku labisan dareeska ciidamada amaniga, waxa ay sidoo kaleย  horkeeneen Maxkamadda qorigii uu dhacca kuย  geysan jiray eedeysanaha iyo Qiraalkiisa.

Muumin Xuseen Cabdullaahi ku xigeenka xeer ilaaliyaha ciidamada qalabka side ayaa ku dooday in eedeysanaha uu caadeystay jidgooyo oo uu ku dhaco dadka isaga kala goosha qeyba kamid ah degmada kaaraan gaar ahaan Jamhuuriya.

Waxa uu Sidoo kale ku dooday Xafiiska Xeer Ilaalinta Ciidamada in Eedeysanaha uu beegsan jiray dadka xilliyada dambe Shaqeeyo gaar ahaan kuwa ka shaqeeyo Gowraca Xoolaha.

Qareenada u dooday Eedeysane Dable Axmed Maxamed Xuseen ayaa fadhiga Maxkamadda ka hor sheegay in loo naxariisto oo loo eego sifaalaha dambiga fududeeya.

Maxkamadda ayaa kiiskan goโ€™aamisay in aan fadhiย  kaliye ku filneyn, waxaa la isugu soo noqoday laba fadhi oo kale 16 iyo 23-ka bishii na dhaaftay ayaa markale la dhageystay Kiiskan.

Maanta ayay Maxkamadda Ciidamada Goโ€™aan kasoo saartay Eedeysane ย Dable Axmed Maxamed Xuseen oo katirsan Ciidamada Amniga, waxa ayna Maxkamadda Ku xukuntay Sideed Sano (8) oo Xabsi Ciidan ah sida uu u sheegay Warbaahinta Gaashaanle Sare Xasan Cali Nuur Shuute.

Xukunka Maxkamadda Darajada Koowaad waxaa ka furan Rafcaan hadiiย  aysan ku qancin dhinacyada dacwadda.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Raโ€™iisul wasaaraha XFS iyo wafdigiisa oo gaaray magaalada Laascaanood

Raโ€™iisulwasaaraha xukuummadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamse Cabdi Barre iyo...

Laascaanood oo si weyn looga dareemayo soo dhowaynta Raโ€iisul wasaaraha xukuummadda Federaalka Soomaaliya

Qaban qaabadda soo dhowaynta Raโ€iisulwasaaraha xukuummadda Federaalka Soomaaliya ayaa...

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo Ciidamada Xoogga dalka ugu hambalyeeyey sanadguurada 65-aad

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane...