Maxkamada Sare ee Ciidamada Qalabka sida oo soo gabagabeysay dhageysiga dacwad ka dhan ah Eedeysane C/risaaq Xuseen Tahliil

Date:

Muqdisho (SNTV):- Maxkamadda Ciidamada qalabka sida ayaa maanta soo gabagabeysay dhageysiga dacwad ka dhan ah eedeysane Cabdirisaaq Xuseen Tahliil oo racfaan ka soo qaatay xukuno horay ugu riday Maxkamadda,waana markii saddexaad oo dacwadan la dhageysto.

Guddoomiyaha Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida ayaa weydiiyay xafiiska xeer ilaalinta ee Ciidamada iney keenaan Maxkamada horteeda marqaatiyaasha ku xusan eedeysanaha Kiiskiisa oo markii saddexaad loo fariistay.

Ma jirin wax marqaati ah oo la horkeenay Maxkamadda,balse badalkeeda xafiiska ayaa soo jeediyay ineysan sii socon karin xilligan ka dib dacwad qaadista eedeysanahan,waxaa kale oo ay soo jeediyeen in Maxkamada go’aan ka gaarto eedeysanaha iyadoo la raacinayo tallaabooyin amni oo xadidaya dhaq dhaqaaq eedeysanaha.

Guddoomiyaha Maxkamadda ciidamada qalabka sida Liibaan Cali Yarow ayaa soo xiray fadhiga Maxkamada,wuxuuna u sheegay dhammaan ka qeyb galayaasha in Maxkamada go’aan ay ka soo saari doonto Kiiska.

“ Kiiska sidaasi ayuu ku gabagabeysan yahay,wixii go’aan ah Maxkamadda dib ayay ka soo sheegi doontaa,” ayuu yiri Guddoomiyaha Maxkamada sare ee Ciidamada Qalabka sida.

Eedeysane Cabdirisaaq Xuseen Tahliil ayaa xilliyo kala duwan loo xiray arrimo la xiriira argagixisanimo,waxayna Maxkamadaha ciidamada Puntland xilliyo kala duwan ku xukumeen dil iyo xabsi,balse Bishii November 2018, ayaa Maxkamadda Ciidamada qalabka sida ee Heer Federaal looga fursan waayay Kiiskan oo culeyskiia lahaa oo ay la soo wareegtay.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddoomiyaha SoDMA oo uga warbixiyay Madaxda Qaranka wax-qabadka hay’adda

Guddoomiyaha hay’adda maaraynta musiibooyinka Qaranka Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle,...

Ra’iisul Wasaare Xamsa ” Guulaha la gaaray waxaa saldhig u ah sharuucda dalka oo la hagaajiyay”.

Xukuumadda DanQaran ayaa xalay bulshada Soomaaliyeed u soo bandhigtay...

Madaxweynaha JFS oo ka qeybgalay bandhigga wax-qabadka Xukuumadda Dan-Qaran 

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Guddoomiyaha Hay’adda Qaxootiga oo kulan la qaatay Madaxa Afooyinka ee Midowga Yurub

Guddoomiyaha Hay’adda Qaxootiga iyo Barakacayaasha Qaranka, Axmed Xuseen Cilmi,...