Dhagar qabe ka tirsanaa Alshabaab oo Muqdisho lagu qabtay

Date:

Kadib howlgal ballaaran oo ay ka sameeyeen magaalada Muqdisho, Ciidanka amniga ayaa waxaa ay ku guuleysteen in ay gacanta kusoo dhigaaan dhagarqabe Amniyaatka Alshabaab ah oo ku sugnaa degmada Shibis ee magaalada Muqdisho.

War ka soo baxay hay”adda Nabadsugidda iyo sirdoonka Qaranka Soomaaliyeed ee NISA ayaa lagu faah fahiyay howlgalkaasi lagu soo qabtay dhagar qabahan oo ku tirsanaa Alshabaab.

Eedaysanahan oo ka howlgali jiray degmooyinka Yaaqshid & Heliwaa ayaa lagu tuhmayaa inuu ka dambeeyay dilal qorshaysan oo dad shacab ah loo gaysta.sida lagu sheegay qoraal la soo dhigay Barta Twitter-ka NISA

Dhanka kale Hay’adda NISA ayaa qoraal la soo baxay waxaa lagu sheegay in Horjooge Aadan Goobe oo isu soo dhiibay Ciidan uu soo gaaray magaalada Muqdisho, ee caasimaadad Soomaaliya,kaasi oo horey u ahaa xubin sare oo ka tirsanayd Alshabaab.

“Waxaa Muqdisho soo gaaray Aadan Coobe, oo ahaa sargaal sare oo muddo dheer ka tirsanaa argagixisada Alshabab, kadib markuu ka dalbaday NISA inay u sahasho sidii uu uga soo goosan lahaa”. Ayaa lagu yiri qoraalkaasi ka soo baxay nabadsugidda Qaranka.

Muddooyinkii ugu dambeyeye waxaa sii kordhayay tirade horjoogayaasha iyo maleeshiyaadka isku soo dhiiba dowladda,kadib markii ay sii kordheen howlgalada lagu baacsanayo,iyadoo qaarna ay fahmeen fikirka qaldan oo ay ka dhaadhiciyeen alshabaab.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka tacsiyeeyay geerida AUN Janaraal Maxamed Cali Abokor

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Gubadleey oo u gudubtay wareega 3-aad Tartan cilmiyeedka warbaahin Qaranka

Degmada Gubadleey oo ka tirsan Gobolka Banaadir ayaa u...

Federal Government of Somalia’s Weekly Briefing

1- President Hassan Sheikh Mohamud hosted a special Iftar...

Warbixinta Toddobaadlaha ee DFS oo soo baxday

1- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo afur sharafeed u...