Wasaaradda Maaliyadda Soomaaliya oo Gaadiid ku wareejisay Maamulada Federaalka

Date:

Muqdisho (SNTV):- Xarunta Wasaaradda Maaliyadda Soomaaliya ayaa lagu saxiixay heshiis Wasaaradu ay ku wareejisay 7-gaari oo looga talagalay howlawadeenada canshuuraha gobolka Banaadir, Dowlad goboleedyada Koofur galbeed iyo Hirshabeelle.

Waxaanna madashii lagu saxiixayay goobjoog ka ahaa Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya Dr. C/raxmaan Ducaale Beyle, Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho C/raxmaan Cumar Cismaan (Injineer Yariisow), ku-xigeenkiisa Maaliyadda iyo Wasiiradda Maaliyadda Dowlad goboleedyada Hirshabeelle iyo Koofur Galbeed Soomaaliya.

Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Soomaaliya Dr. Cabdiraxmaan Ducaale Beyle oo furayaasha gawaarida ku wareejiyay mas’uuliyiinta Dowlad goboleedka iyo gobolka Banaadir ayaa sheegay in Dowlad goboleedyada harayna ay ku wareejin doonaan gaadiid loo qoondeeyay oo diyaarsan ujeedkuna yahay xoojinta Hay’adaha canshuuraha heer gobol.

Wasiirka Maaliyadda Maamulka Hirshabeelle Maxamed Maxamuud Cabdulle oo ku hadlayay Afka dowlad goboleedyada iyo gobolka Banaadir ayaa uga mahad celiyay Wasaaradda Maaliyadda Gaadiidkani looga talagalay canshuur qaadista.

Gaadiidkani ayaa qeyb ka ah dadaalo ay ku doonayso Wasaaradda Maaliyadda ee Dowladda Federaalka Soomaaliya inay ku horumariso Hay’adaha Maaliyadda ee heer gobol si loo gaaro isku filnaan ku dhisan iskaashi.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Hay’adda Boqor Salmaan oo deeq waxbarasho gaarsiisay carruur agoon ah oo ku nool Baydhabo

Magaalada Baydhabo ee Gobolka Baay, Dowlad-goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya,...

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo xafiiskiisa ku qaabilay Abwaan Mustafa Sheekh Cilmi

-Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Dr....

Ra’iisul wasaare ku-xigeenka dalka oo daahfuray madasha labaad ee Istiraatiijiyadda warbaahinta 2026

Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Jibriil...

Wasiirka Warfaafinta XFS oo ka hadlay horumarinta Warbaahinta Dowladda iyo tayeynta wariyaasha

-Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska XFS, Mudane Cabdulfataax...