Wasaaradda Arrimaha Dastuurka iyo Gudigga Xuduudaha iyo Federaalka oo shir wadatashi ah qabtay

Date:

Muqdisho (SNTV):-Waxaa magaalada Muqdisho ku qabsoomay shirka wadatashiga ee lagu turxaan bixinayo is waafajinta xulushada qaabeynta Dowlad Goboleedyada iyo qodobka 49aad ee Dastuurka Kumeel-gaarka ah, waxaana shirka si wadajir ah u qabtay Wasaaradda Arrimaha Dasturka iyo Gudigga Madaxabanaan ee Xuduudaha iyo Federaalka Qaranka.

Shirka oo uu furay Wasiirka Arrimaha Dastuurka ayaa waxaa ka soo qaybgalay Gudoomiyaha Gudigga Madaxbanaan ee Xuduudaha iyo Federaalka, Wasiir Ku-Xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dastuurka, masuuliyiin ka kala socotay Xafiisyada Madaxweynaha, Ra’iisulwasaaraha iyo Xafiiska Xeer-ilaaliyaha.

Ugu horeeyn Gudoomiyaha Gudigga Madaxabanaan ee Xuduudaha iyo Federaalka Mudane Khaliif Cabdikariin Maxamed oo shirka ka hadlay ayaa uga mahadceliyay Wasaaradda sida dhow ay u wadashaqeeyaan isagoo sheegay in shirkan uu muhiim u yahay qaranka.

Wasiirka Arrimaha Dastuurka Mudane Saalax Axmed Jaamac oo shirka furay ayaa sheegay inay ka go’antahay la shaqeeynta hay’adaha dowladda ee ay shaqada ka dhaxeeyso.

“Waxaa farxad ii ah anigoo dhawaan la wareegay shaqada Wasaaradda inaan maanta ka soo qaybgalo kulan howleedkan, waxaa naga go’an ka miro-dhalinta dib-u-eegista Dastuurka taasina waxay ku imaaneysaa inaan wadashaqeyn wanaagsan la yeelano dhamaan Gudiyada iyo hay’adaha dowladda” ayuu yiri Wasiirka.

Ugu dambayn, waxaa shirkan inta uu socdo looga doodi doonaa is waafajinta xulushada qaabaynta Dowlad Goboleedyada iyo qodobka 49aad ee Dastuurka.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Madaxweynaha JFS oo Salaadda Jimcaha kula oogay boqolaal shacab ah Masjidka Abuu Hureyra ee Suuqa Bakaaraha.

Muqdisho, Jannaayo 09, 2026; Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane...

Warbixinta Toddobaadlaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya oo soo baxday.

1- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa khudbad u jeediyay...

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo khadka taleefoonka kula hadlay dhiggiisa Singapore. 

Mudane Cabdisalaam Cabdi Cali, Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga...

18 Khawaarij ah oo lagu dilay howlgal qorshaysan oo laga fuliyay Saakow.

Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo kaashanaya saaxiibada caalamka, gaar...