Shacabka, Maamulka iyo Booliska Warta Nabada oo la guddoonsiiyey bilad sharaf.

Date:

Muqdisho (SNTV)—Duqa Muqdisho Ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eng. Yarisow) ayaa abaalmarin guddoonsiiyey Shacabka, Maamulka iyo Booliiska Warta Nabada oo gacan ku siiyey Ciidanka Ammaanka soo qabashada dhagarqabe Bombo tuuray.

Guddoomiyaha ayaa ku ammaanay shacabka kaalinta wanaagsan ee ka qaadanayaan sugidda amniga, isagoo xusay in abaalmarintan ay ugu talagaleen in lagu dhiirigaliyo bulshada maadaama ay ka soo baxeen kaalintooda ku addan nabadgelyada.

“Qof walba oo gacan ka geystay soo qabashada argagixisada waxuu mudan yahay abaalmarin, bacdamaa ay badbaadiyeen nafta muwaadiniinta Soomaaliyeed, tani waa bilow waxaana ku dhiirigelinayaa shacabku inay qaataan doorkooda sugidda amniga fartana ku fiiqaan dadka dhagarta u maleegaya”.

Eng. Yarisow ayaa ugu baaqay Ciidanka ammaanka in shacabka saaxiib lala noqdo, si ay ugu kalsoonaadaan ciidanka loona helo wadashaqay buuxda, taasoo qeyb ka qaadanaysa in ciidanku ay helaan xogaha dhagarqabayaasha ku dhex dhuumanaya shacabka.

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka dalka Mudane Mahdi Maxamed Guuuleed (Khadar) oo munaasabadda abaalmarinta hadal ka jeediyey ayaa sheegay in isku xirnaanta shacabka iyo Boolisku ay muhiim u tahay sugidda ammaanka Caasimadda, waxuna uga mahadceliyey shacabka Degmada Warta-Nabadda wada-shaqeynta dhow ee la leeyihiin Ciidanka Booliska.

Munaasabaddan oo bilad sharaf lagu guddoonsiinayey dadkii kaalinta ka qaatay soo qabashada dhagar-qabaha Bombada tuuray ayaa waxaa ka soo qeyb galay Taliyeyaasha Ciidanka, Guddoomiye ku-xigeenka Maamulka iyo Maaliyadda Gobolka Banaadir iyo masuuliyiin kale oo heer Qaran iyo heer Gobol ah.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Madaxweynaha JFS oo soo xiray Shirweynaha 6-aad ee hal-abuurka Soomaaliyeed.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo...

Shirka Golaha Wasiiradda oo lagu ansixiyay Xeerka Ciqaabta Soomaaliyeed.

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, oo maanta yeeshay...

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo kulan kula yeeshay Zoomka deeq-bixiyaasha caalamka.

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka, Maxamuud Macalin Cabdulle, ayaa...

Golaha Shacabka oo ansixiyay Heshiiska Aas-aasida Ciidanka Heeganka ee Bariga Afrika.

Mudanayaasha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa...