Qabyo-qoraalka Siyaasadda Qaran ee Isgaarsiinta & Teknolojiyada oo la soo bandhigay

Date:

Muqdisho (SNTV):– Wasaaradda Boostada, Isgaarsiinta & Teknolojiyada ayaa soo bandhigtay qabyo-qoraalka Siyaasadda Qaran ee Isgaarsiinta & Teknoojiyada (National ICT Policy and Strategy), taas oo loogu talo galay inay hagto sida teknolojiyada loogu adeegsan karo horumarinta dhaqaalaha dalka.

Wasiirrada Ganacsiga iyo Caafimaadka ee heer federal, Md. Maxamed Cabdi Xayir (Maareeye) iyo Marwo Fawsiyo Abiikar Nuur iyo wasiirrada boostada, isgaarsiinta & teknolojiyada ee heer federal iyo heer dawlad-goboleed oo kulankaas ka qeyb galay ayaa aad u bogaadiyay qabyo-qoraalkan, iyagoo xusay inuu yahay siyaasaddii jiheyn lahayd horumarka ICT ee shanta sano ee soo socota (2019-2014), wasaarad walbana ay ka qaadan doonto kaalinta kaga aaddan diyaarinta iyo fulinta siyaasaddan.

Siyaasaddan oo ah tii ugu horreysay ee uu dalkeenu yeesho waxaa looga gol leeyahay inay horseeddo isbeddel, kobac, hal-abuur iyo iskaashi dhex mara dhammaan qeybaha kala duwan ee dhaqaalaha, iyadoo talo ka bixineysa waxyaabaha loo baahan yahay ee gacanta ka geysan kara fulinta siyaasaddan.

Wasiirka Boostada, Isgaarsiinta & Teknolojiyada, Md. Eng Cabdi Cashuur Xasan oo munaasabadda ka hadlay ayaa sheegay in siyaasaddani ay soo koobeyso qeybaha kala duwan ee nolosha. “Waa qorshe dhammeystiran oo isku keeni doona dhammaan hawlaha ICT ee dalka ka socda ama laga hirgelin doono 5ta sano ee soo socota. Waxaan rajeyneynaa in siyaasaddani ay hagto sida teknolojiyaddu u caawin karto horumarkeena dhinac kastaba,” ayuu yiri wasiirka oo intaasi ku daray inuu ka rajeynayo dhammaan wasaaradaha ay khuseyso inay taladooda ku soo biiriyaan ka hor 31ka Maajo 2019.

Wasiirka ayaa ugu dambeyntii u mahadceliyay Ururka Isgaarsiinta Adduunka (ITU) iyo Bankiga Adduunka oo gacan ka siiyay Wasaaradda sidii loo dajin lahaa siyaasad la jaan-qaadi karta adduunka, si looga baxo qorshe la’aanta qaran ee dhinaca teknolojiyada.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Shirka Labaad ee Kaabayaasha Tayada Qaranka oo Muqdisho ka furmay

Waxaa maanta Muqdisho ka furmay Shirka Labaad ee Kaabayaasha...

Boliiska oo digniin adag kasoo saaray sumcad-dilka iyo aflagaado loo geysto madaxda qaranka & ku xadgudubka diinteenna suuban

Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed ayaa digniin adag kasoo saaray sumcad-dil...

Taliyaha Ciidanka Dhulka :Dadka deegaanka ayaa sabab u ah in ciidanku ku jebiyaan Khawaarijta Ceeldheer

Taliyaha Ciidanka Dhulka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Janaraal Sahal Cabdullaahi...

Afar fariimood oo ay dirtay jabinta difaacyadii iyo duullaankii Khawaarijta

Jabkii isdaba joogga ahaa ee khawaarijta ka soo gaaray...