Madaxweyne Farmaajo oo kormeer ku tagay deegaannada Sabiib iyo Caanoole

Date:

Muqdisho (SNTV):โ€“Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo kormeer ku tagay deegaannadii dhawaan laga xoreeyey argagixisada Alshabaab ayaa faray hayโ€™adaha Dowladda Federaalka ah in ay shacabka deegaannadan si deg deg ah u gaarsiiyaan adeegyada aasaasiga ah, si loo caawiyo muwaadiniinta ku nool oo ay Argagaxisadu muddo badan dhibaato ku haysey.

Madaxweynaha ayaa sheegay in Dowladda Soomaaliya ay sii laba-laabayso hawlgallada ka dhanka ah kooxaha nabad-diidka ah, si looga xoreeyo dhammaan deegaannada ay kaga dhuumaalaysanayaan dalka.

Madaxweyne Farmaajo ayaa ku bogaadiyey Geesiyaasha Ciidamada Qalabka Sida guullaha waaweyn ee ay ka soo hoyeen argagixisada Alshabaab ee cadawga ku ah horumarka, nabadda iyo nolosha shacabka Soomaaliyeed.

โ€œHambalyo ayaan idin leeyahay inaad ka adkaateen cadawgii ummadda Soomaaliyeed oo ay idiin babac dhigi waayeen. Waxaa loo baahan yahay sidii aad magaalooyinkan uga erideen, Sabiib iyo Caanoole, oo aad uga adkaateen inaad u difaacataan, shacabka magaaladan deggan oo ay muddo gumeysi ku hayeenna inaad ka difaacdaan.โ€

Sidoo kale, Madaxweynaha ayaa ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed in ay xoojiyaan taageerada ay la garab taagan yihiin Ciidamada Qalabka Sida, taas oo ah waajib wadaninnimo oo saaran muwaadin kasta.

โ€œShabaab waa fulayo, waxay yaqaanaan in ay shacabka qarxiyaan, carruurtana laayaan. Laakiin wiilal idinka oo kale ah marnaba hortooda ma imaanayaan, waayo waxay og yihiin inaad geesinnimo iyo dhiirranaan la hortaagan tihiin. Waxaan ugu tageynaa meel kasta oo ay joogaan, annagana waan idin garab taagannahay, waa idin soo booqaneynaa, ciidamo kale ayaan idinku soo kordhineynaa, waana baacsaneynaa ilaa ay tirtirmaan.โ€

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa kula dardaarmay Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed in aysan marnaba is-dhigan oo ay isha ku hayaan cadawga Alshabaab, waxa uuna ku ammaanay feejignaanta ka muuqata iyo diyaar garawga ay ugu jiraan sidii ay meelo kale uga saari lahaayeen.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiiru-Dowlaha Qoyska oo Muqdisho ka daahfuray mashruuc lagu taageerayo carruurta agoonta ah

Wasiiru-Dowlaha Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqda Aadanaha ee XFS,...

Guddiga Maaliyadda ee BFS oo kulan ku yeeshay xarunta guddoonka ee Villa Hargeysa

Guddiga Miisaaniyadda, Maaliyadda, Qorsheynta, Iskaashiga Caalamiga ah iyo La-xisaabtanka...

Maxkamadda Sare oo laashay natiijada doorashadii Golaha Wakiillada iyo Goleyaasha Deegaanka Galmudug

Maxkamadda Sare ee Federaalka Soomaaliya ayaa maanta laashay natiijadii...