Soomaaliya iyo Ruushka oo muujiyay sida ay u danaynayaan xoojinta xiriirka laba geesoodka ah

Date:

Muqdisho (SNTV) Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Danjire Axmed Ciise Cawad ayaa kula kulmay maanta oo Isniin ah Magaalada Moscow dhiggiisa Ruushka Mudane Sergey Lavrov.

Intii lagu guda-jiray kulanka, waxa ay ka wada hadleen siyaabaha lagu xoojin karo xiriirka laba geesoodka iyo iskaashiga, sidoo kale waxa ay isla eegeen dhowr arrimood oo heer gobol iyo caalami ah.

Mudane Danjire Axmed Cawad waxa uu uga mahadnaqay Ruushka is garab taaggiisa Soomaaliya fagaarayaasha caalamiga, isaga oo ku nuuxnuuxsaday muhiimadda ay leedahay horumarinta xiriirka labada dal iyo taabagelinta heshiisyada wax wadaag ee heerarka kala duwan leh.

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa gaaray duhurnimadii maanta Magaalada Moscow si uu uga qeybgalo Shirka heer Wasiir arrimo dibadeed ee meertada shanaad ee Madasha Iskaashiga Ruushka iyo Carabta oo furmi doona beri oo Talaado ah (16 April).

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda oo kormeer ku tagay Degmada Kaaraan, halkaas oo ay ka socoto qaadashada Kaarka Codbixinta

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-Heshiisiinta Xukuumadda Federaalka...

Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo xarigga ka jaray Iskuul waxbarasho oo loogu talagalay Gabdhaha

Madaxweynaha Dowlad-Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya, Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed...

Duqa Muqdisho oo Booqday Qoys Waxyeello kasoo Gaartay Dab ka Kacay Degmada Howlwadaag

Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho, Dr. Xasan...