Shir looga hadlayo arrimaha gar gaarka deg dega ah oo ka socda Muqdisho.

Date:

Muqdisho (SNTV) Shirkan wadatashiga ah ee ku aadan ka jawaabista gargaarka deg dega ah una dhexeeya madaxda wasaaradaha gargaarka heer Federaal iyo heer dowlada goboleed ayaa maanta ka furmay Muqdisho,kaasi oo socon doona mudo labo casho ah.

Shirkan inta uu socdo waxaa diiradda lagu saaraya arrimo laxiriira fulinta mashaariic laxiriirka ka jawaabista gargaarka deg dega ah,iyo maareynta musiibooyinka.

Cabdinasir Cabdi Caruush oo ah wasiirka Gargaarka Koonfur Galbeed oo ku hadlay magaca mamaul goboleedyada ayaa soo dhaweyey qabsoomida shirkan,wuxuuna xusay in ay kala shaqeyn doonaan wasaaradda Gargaarka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya sidii looga jawaabi lahaa baahiyaha bani’aadanimo ee kajira dalka iyo ka hortagga abaaraha laga cabsi qabo.

Wasiir kuxigeenka gargaarka XFS ayaa C/rashiid Maxamuud Xasan ayaa si guud u faah faahiya ajandaha shirkan,Wasiir kuxigeenku wuxuu intaasi ku daray in mashruucan uu yahay mid horey heshiiskiisu ay u gashey wasaaradda gargaarka Soomaaliya,haatana loo baahanyahay oo kaliyah in la fuliyo.

Ugu dambeyntii Mudane Xamsa siciid xamsa wasiirka gargaarka dowladda Soomaaliya ayaa bogaadiyay miro dhalka shirkan inta uu socdo,isagoo ku tilmaamay mashruucan mid ah miyad gaar ah u leh guud ahaan dalka,uuna sahlaya in laga jawaabo baahiyaha bani’aadanimo ee dalka iyadoo la kaashanaya hay’adaha caalamiga ah ee dhinaca gar gaarka.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Danjiraha Soomaaliya ee Burkina Faso oo Xoojinaya Iskaashiga Ganacsiga iyo Maalgashiga

Danjiraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee dalka Burkina Faso, Danjire...

Dowladda Soomaaliya iyo Hay’adda WHO oo Xoojinaya Iskaashiga Horumarinta Caafimaadka

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jamhuuriyadda...

Guddoomiyaha SoDMA iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray magaalada Baydhabo

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Masiibooyinka Qaranka (SoDMA) Mudane Maxamuud Macallin...