Africom”Waxaan Howlgal ku dilnay xubno ka tirsan Alshabaab”

Date:

Mqdisho (SNTV):-Warbixin ay soo saareen Taliska ciidamada Africom ayaa lagu sheegay in duqeyn xagga cirka ah oo 11-kii bishaan ay beegsaday Al-shabaab lagu dilay 2-ka tirsan maleeshyada kooxdaasi.

Howlgalkan oo ay iska kaashadeen ciidanka  Soomaaliya iyo kuwa Mareykanka ee Afrika ayaa ka dhacday deegaanka Garowle ee Gobolka Shabellaha Hoose.

Weearkaan ayaa la xaqiijiyay in lagu dilay 2-ka mid ah argaggixisada,isla markaana lagu burburiyay mooto ay wateen Maleeshiyaadkaasi.

Warkaan ka soo baxay taliska ciidamada Mareykanka ee Africom ayaa lagu sheegay in aysan jirin wax rayid ah oo wax ku noqday howlgalka dhinaca cirka ee lala beegsaday kooxda Al-shabaab.

Taliska ciidamada Africom,ayaa sheegay in ay sii wadayaan howlgalada dhinaca cirka ah ee lagu wiiqayo kooxda Al-shabaab ,waxaana warku intaa raaciyay in iyadoo gacan laga helayo ciidamada dowladda Federaalka ah la bartilmaameedsan doono meelaha ay gabaadka ka dhigtaan kooxdaasi.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Hawlgal ka dhan ah Khawaarijta oo Shabeelaha hoose laga fuliyey

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa howlgal qorsheysan ka fuliyay...

Wasiirka Qoyska iyo Hormarinta Xuquuqul Insaanka oo kulammo doceedyo la yeelatay Madax kala duwan

Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Hormarinta Xuquuqul Insaanka ee Jamhuuriyadda...

Wasiirka Qorsheynta oo ka hadlay shirka Heer Wasiir ee Golaha Dhaqaalaha (ECOSOC)

Wasiirka Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha ee Dowladda Federaalka...

Safiirka Soomaaliya oo tacsi u tegay Safaaradda Qatar ee New Delhi

New Delhi-Safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee Jamhuuriyadda Hindiya, Dr....