Wasiirka Maaliyadda oo ka hadlay Shirka Washington

Date:

Washinton (SNTV)—Wasiirka Maaliyadda XFS Mudane Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya Mudane Abdirahman Dualeh Beyle oo kamid ah wafdiga Ra’iisal- wasaaraha dalka ee ku sugan Mareykanka ayaa wareysi kooban oo dhinacyo badan taabana siiyey Warbaahinta Qaranka.

Wasiirka ayaa tilmaamay waxay Magaalada Washinton DC u joogaan, wuxuuna tilmaamay in Shirarku inta badan ay ku saabsan yihiin arrimo ku saabsan Deyn cafiska iyo waxyaalo kale oo farabadan oo ay ka mid yihiin Daabacaadda Shilinka Soomaaliga, iyadoo inta badan maanta lagu mashquulsanaa la kulanka Madaxda kala duwan ee Bangiga Addunka iyo qeybo kale ee ay khuseyso arrinteynu oo ay ka mid tahay Tan Lacagta Adduunka IMF-ta.

Wasiirka oo hadalkiisa sii wata ayaa yiri “Waxaa xigi doona goor dhow in Raiisul-wasaaruhu la kulmi doonaa Madaxa He’yadda Lacagta Adduunka, iyagoo ka wada hadli doona xaalka Soomaaliya iyo marxaladda ay hadda taagan tahay iyo sidii ay nagala shaqeyn laheyd qaabka aan wax u rabno”.

Wasiir Beyle ayaa sheegay in Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya (XFS), mudane Xasan Cali Khayre, uu kulan kula qaatay madaxweynaha cusub ee Bangiga Adduunka, David Malpass, iyagoo ka wada hadlay dardar-gelinta howlaha dib-u-habeynta hey’adaha dowladda iyo kaalinta uu bangiga adduunku ka geysanayo.
Kulankan ayaa qeyb ka ah kulamo uu Ra’iisul Wasaaruhu la yeelanayo madaxda bangiga adduunka, hey’adda lacagta dunida ee IMF iyo hey’adaha maaliyadda adduunka ee Washington ku kulansan.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo xafiiskiisa ku qaabilay Abwaan Mustafa Sheekh Cilmi

-Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Dr....

Ra’iisul wasaare ku-xigeenka dalka oo daahfuray madasha labaad ee Istiraatiijiyadda warbaahinta 2026

Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Jibriil...

Wasiirka Warfaafinta XFS oo ka hadlay horumarinta Warbaahinta Dowladda iyo tayeynta wariyaasha

-Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska XFS, Mudane Cabdulfataax...

WAFDI UU HOGGAAMINAYO GUDDOOMIYAHA HAY’ADDA SODMA OO GAARAY MAGAALADA BELEDWEYNE

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin...