Askar Tababaro kusoo qaatay Turkiga oo Muqdisho lagu soo dhaweeyey

Date:

Muqdisho (SNTV)-Wasiirka Gaashandhigga Xukuumadda  Federaalka Soomaaliya oo ay wehliyaan Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya iyo Taliye Ku-xiggeenka XDS ayaa maanta garoonka diyaaradaha ee Magaaladda Muqdisho kusoo dhaweeyay Cutub ka tirsan Ciidanka gaarka ah ee Danab, kuwaasi oo tababaro culus kusoo qaatay dalka aan walaalaha nahay ee Turkey.

Cutubkaan ka tirsan Ciidanka Xoogga dalka, gaar ahaan kuwa sida gaarka ah u tababaran ee Danab, ayaa Tababarka ay kusoo qaateen Turkiga waxuu  socday Muddo Sanad ah, waxaana muddadaasi la baray Habka dagaalka iyo Xirfadaha kala duwan ee Ciidanka.

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed S/gaas Daahir Aadan Cilmi Indha-qarshe oo la hadlay Ciidanka Tababarada kusoo qaatay dalka Turkiga ayaa u mahad celiyay Dawladda Turkiga oo uu sheegay in yihiin kuwa kaalin weyn ka qaadanaya dib u dhiska Ciidamada Difaaca.

Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumada Soomaaliya Mudane Xasan Maxamed cali ayaa sheegay in ciidamada tababarka kusoo qaatay dalka Turkiga looga baahan yahay in door muhiim ah ay ka qaataan Xorreynta dalka.

 


Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Duqa Muqdisho oo kormeer shaqo ku tagay Xarunta Agaasinka Waxbarashada Gobolka Banaadir

Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Dr....

Hodan oo ku soo baxday tartanka Ramadaan iyo jadwalka wareegga Afar dhamaadka oo la sameeyay

Degmada Hodan oo ka tirsan Gobolka Banaadir ayaa u...

Ex-Dable NISA Mukhtaar Shakuur Amiin oo dil toogasho ah lagu xukumay

Dable NISA Mukhtaar Shakuur Amiin, ayaa lagu edeeyay dilka...

Wasiirada Gaashaandhigga Soomaaliya iyo Qadar oo yeeshay kulan muhiim ah

Wasiirka Gaashaandhigga ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin...