Siihayaha cusub ee Safaaradda Soomaaliya ee Uganda oo xilka la wareegay

Date:

Kampala (SNTV):– Siihayaha Safaaradda Soomaaliya ee dalka Uganda Mudane Cali Maxamed Maxamuud ( Cali Cagabaruur ) oo dhawaan dowladda Soomaaliya soo magacowday ayaa shalay xilka kala wareegay siihayahii hore ee Safaaradda mudane Cabdiwali Cali Faarax.
Mudanaasabad kooban oo ka dhacday xarunta safaaradda ayaa waxaa goobjoog ka ahaa Diblumaasiyiinta, Uqeybsanayaasha ka howlgala safaaradda iyo marti sharaf kale oo ka kala socotay qeybaha kala duwan ee bulshada
Mudane Cabdiwali Cali Faarax siihayahii hore ee Safaaradda ayaa munaasabadda kasoo jeediyay warbixin kooban oo kaga hadlay sida safaaradda u shaqeyso iyo qalabka safaaradda leedahay, isagoo u mahadceliyay howlawadeenadii safaaradda sidii wanaagsaneed ay ula soo shaqeeyey intii uu xilka haayay.
Siihayaha Cusub Mudane Cali Maxamed Maxamuud (Cali Cagabaruur)  ayaa isagana u mahadceliyay siihayahii hore ee Safaaradda iyo sida wadaniyadda leh uu uga soo shaqeeyay safaaradda iyo sida sharafta lahayd uu i ilaaliyay hantida qaranka.
Mudane Cali Cagabaruur ayaa hadalkiisa ku sheegay in uu ka shaqeyn doono sidii loo xoojin lahaa xariirka wanaagsan ee ka dhaxeeya labada dal ee Soomaaliya iyo Uganda, kana shaqeyn doono xoojinta dhinacyada siyaasadda, waxbarashada, ganacsiga iyo fududeenta isu socodka labada dal.
Cali Cagabaruur ayaa sidoo sheegay in waxqabadka safaaradda halkiisa kasii wadi doono, si gaarana xooga u saari doono u adeegidda muwaadiniinta Soomaaliyeed si siman una qaban doono adeeg hufan, siihayaha ayaa intaas ku daray in bilicda safaaradda iyo tayeente adeega safaaradda.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

CXD oo howlgal ka fuliyay Buula Madiina oo hoostagta degmada Afgooye ee gobolka Sh.hoose.

Ciidamada Gaarka ah ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed (CXD) ayaa...

Eighth CIIE sees 80% more African exhibitors from a year ago.

The 8th China International Import Expo (CIIE) marks the...

Golaha Aqalka Sare oo Ansixiyay Guddiga Xuquuqul Insaanka Qaranka.

Mudanayaasha Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya...

Guddoomiyaha Maxkamadda Sare oo Muqdisho ka furay Shirka Garsoorayaasha Soomaaliyeed.

Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee dalka, Garyaqaan Baashe Yuusuf Axmed,...