Ra’iisul Wasaare Kheyre Oo La Kulmay Madaxweynaha Cusub Ee Bangiga Adduunka

Date:

Arbaco , April 10, 2019 –Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya (XFS), mudane Xasan Cali Khayre, ayaa magaalada Washington waxa uu kulan kula qaatay madaxweynaha cusub ee Bangiga Adduunka, David Malpass.

Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre iyo madaxweynaha cusub ee Bangiga Adduunka ayaa ka wada hadlay dardar-gelinta howlaha dib-u-habeynta hay’adaha dowladda iyo kaalinta uu bangiga adduunku ka geysanayo.

Kulanka ayaa qeyb ka ah kulamo uu Ra’iisul Wasaaruhu la yeelanayo madaxda bangiga adduunka, hay’adda lacagta dunida ee IMF iyo hay’adaha maaliyadda adduunka ee Washington ku kulansan Gugan.

Kulanka labada mas’uul ayaa waxaa qeyb ka ahaa mas’uuliyiinta hay’adaha maaliyadda dalka sida Guddoomiyaha cusub ee bangiga dhexe, Hanti-dhowraha Qaranka iyo Wasiirrada maaliyada iyo qorsheynta.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Bannaanbaxu waa xaq dastuuri ah, balse fowdo ma aha

Sida dastuurro badan oo dunida ka jira, Dastuurka Soomaaliya...

War-saxaafadeed ku aadan Garsoore Cumar Cartan

Wasaaradda Dhallinyarada iyo Isboortiska ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya waxay...

Warsaxaafadeed: Calanka iyo Astaanta Qaranka ee saxda ah

Guddoomiyaha Guddiga Madaxa bannaan ee Dib-u-eegista iyo Hirgelinta Dastuurka...

Wasiirka Gaashaandhigga iyo Safiirka Shiinaha oo ka Wada Hadlay Iskaashiga Difaaca

Wasiirka Gaashaandhigga XFS, Mudane Axmed Macallin Fiqi, ayaa kulan...