Raโ€™iisul Wasaare Khayre oo La Kulmay Madaxda Bangiga Adduunka

Date:

Washington (SNTV):โ€“Raโ€™iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya (XFS), mudane Xasan Cali Khayre ayaa kulan kula qaatay magaalada Washington gudoomiye ku-xigeenka bangiga adduunka, Xafiz Ghanim.

Raโ€™iisul Wasaaraha iyo Guddoomiyaha Bangiga adduunka ayaa ka wada hadlay tallaabooyinka waaweyn ee dowladda Soomaaliya u qaadday dhanka dhib-u-habeynta hayโ€™adaha dowladda, gaar ahaa nidaamka maaliyadda dalka. Labada masuul ayaa sidoo kale isla soo qaaday habsami u socodka dadaallada Soomaaliya looga cafinayo deymaha.

Kulanka labada masโ€™uul ayaa waxaa qeyb ka ahaa guddoomiyaha bangiga dhexe ee Soomaaliya, Cabdiraxmaan Moxamed Cabdullaahi, Hantidhowrka Qaranka iyo wasiirka maaliyadda.

Raโ€™iisul Wasaare Xassan Cali Khayre iyo wafdi uu hoggaaminayo oo booqasho ku jooga dalka Mareykanka, ayaa ka qeyb gelaya shirka Guga oo ay iskugu yimaadaan hayโ€™adaha maaliyadda dunida.

Sanadkaan waxaa jiri doono qeyb u gaar ah Soomaaliya oo lagu gorfeyn doono dhaqaalaha Soomaaliya iyo sida dunidu uga qeyb qaadan karto kobcinta dhaqaalaha dalka.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka cadaaladda XFS oo qaabbilay ๐’๐š๐Ÿ๐ข๐ข๐ซ๐ค๐š ๐’๐ฐ๐ž๐๐ž๐ง ๐ฎ ๐Ÿ๐š๐๐ก๐ข๐ฒ๐š ๐’๐จ๐จ๐ฆ๐š๐š๐ฅ๐ข๐ฒ๐š

๐–๐š๐ฌ๐ข๐ข๐ซ๐ค๐š ๐–๐š๐ฌ๐š๐š๐ซ๐š๐๐๐š ๐‚๐š๐๐š๐š๐ฅ๐š๐๐๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐€๐ซ๐ซ๐ข๐ฆ๐š๐ก๐š ๐ƒ๐š๐ฌ๐ญ๐ฎ๐ฎ๐ซ๐ค๐š XFS ๐Œ๐ฎ๐๐š๐ง๐ž ๐—๐š๐ฌ๐š๐ง...

Wasiirka Arrimaha Dibedda XFS oo kulan la yeeshay Jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalka Masar

Wasiirka Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ah, Amb. Axmed...

Wasiirka Amniga XFS oo booqday xarunta taliska ciidanka xudduudaha ee dowladda Ciraaq

Wasiirka Amniga Gudaha Soomaaliya Mudane Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag)...

Dekadda Muqdisho oo yeelatay khad toos ah oo isku xiraya Soomaaliya iyo Shiinaha

-Dekadda Magaalada Muqdisho waxaa shalay si toos ah ugu...