Madaxweynaha JFS oo Warqadaha Aqoonsiga Danjirenimo ka guddoomiyey Safiirada cusub ee Dalalka Koonfurta Kuuriya iyo Serbia.

Date:

Muqdisho (SNTV)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa Warqadaha Aqoonsiga Danjiranimo ka guddoomay Safiirada Dalalka Koonfurta Kuuriya iyo Serbia ee lagu kala magacaabo Choi Yeonghan iyo Dragan Zupanjevac, kuwaasi oo maanta soo gaaray Magaalada Muqdisho.

Danjire Choi Yeonghan oo ka socday Dawladda Koofurta Kuuriya ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay Xiriirka wanaagsan ee ka dhaxeeya Soomaaliya iyo Koofurta Kuuriya, isaggoo sheegay in Dawladdiisa ay kaalin ku yeelan doonto Maalgashi iyo Taageero kasta oo wax u tareysa horumarinta Amniga iyo dhaqaallaha Soomaaliya.

Danjire Dragan Zupanjevac oo ka socday Dawladda Serbia ayaa isna sheegay in uu ku faraxsan yahay in mar kale Cilaaqaad wanaagsan uu dhex maro Somalia iyo Serbia, waxaana uu xusay in dhinacyo badan ay Soomaaliya ka taageeri doonaan oo ay kamid yihiin Waxbarashada, Dhaqaallaha iyo Amniga.

Danjireyaasha Wadamada Caalamka ay usoo dirayaan Soomaaliya ayaa sanadihii u dambeeyey ahaa kuwa aad usoo kordhayey, iyaddoo Dawladda Soomaaliyana ay qaadatay Siyaasad furfuran oo ku dhisan Saaxiibtinimmo iyo Dan-wadaag.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Agaasimaha Laanta Afrika ee Xarunta Boqor Salmaan oo booqday Xarunta Daryeelka Agoonta ee Ummu Badr

Masuuliyiin ka mid ah Xarunta Boqor Salmaan ee Gargaarka...

Soomaaliya oo daneyneysa kordhinta qoondada Xujeyda Xajka 𝟭𝟰𝟰𝟴𝗛/𝟮𝟬𝟮6

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha islaamka mudane...

Madaxweynaha JFS oo qaabilay Guddoomiyaha Guddiga Madaxa-bannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa...

Muqdisho mar dambe ma mudna sumcad dilka dambe (WARBIXIN)

Wargeyska caanka ah ee The Economist ee ka soo...