Ciidamada Amniga oo xiray hawlwadeen argaggixiso oo Gawaarida ku xira Qaraxyada

Date:

Muqdisho (SNTV)-Howlgal ay Ciidamada Amnigu fuliyeen shantii bushan April ayaa lagu soo qabtay Hawlwadeen argaggixiso ,kaas oo ahaa mid argaggixisada u qaabilsan ku xirista Walxaha Qarxa ee gaadiidka si uu waxyeelo u gaysto.

 

Hawlgalku wuxuu ka dhacay magaalada Muqdisho waxaana uu qaatay muddo saacado ah sidii loo qorsheeyay ayuuna udhacay, iyadoo aanu dhicin wax khasaare ah.

Ciidamada ayaa daba socday xogo sirdoon oo ay ka heleen ilo muhiim u ah taas oo suurta galisay qabashada dhagar-qabahan.

Waa qayb ka mid ah dadaalka Naf badbaadinta ah ee Ciidamadu ay ku baacsanayaan dhagarqabayaasha utaagan daadinta dhiigga Shacabka.

Tallaabadaan ayaa imaanaysa xilli Ciidamada Amnigu ay Caasimadda iyo Gobolladaba ka wadaan howlgal baaxad leh oo guri iyo geedba looga raadinayo argaggixisada Al-Shabaab iyo xulufadooda.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Taliyaha Ciidanka Dhulka oo kormeer uga tagay Ciidamo ku sugan Matabaan.

Taliyaha Ciidanka Dhulka ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Janaraal Sahal...

Munaasabad lagu dhiirrigelinayo Saraakiisha amniga KGS oo lagu qabtay Baydhabo.

Waxaa magaalada Baydhabo lagu qabtay munaasabad lagu maamuusayay, laguna...

Maareeyaha Batroolka Qaranka oo shaaciyay cadadka shidaalka laga helay Soomaaliya.

Maareeyaha guud ee Hay’adda Batroolka Qaranka, Eng. Cabdulqaadir Aadan...

Duqa Muqdisho oo ka hadlay dhismaha Waddada Jamhuuriya ee degmada karaan.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho,Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab),...