Shirka Tubta Gobolka Banaadir oo looga hadlay Ammaanka Caasimadda iyo awoodsiinta Dhalinyarada

Date:

Muqdisho (SNTV)– Duqa Muqdisho ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eg.Yarisow) ayaa guddoomiyey Shirka Tubta Gobolka Banaadir oo looga hadlay Qorshaha Amniga Caasimadda, Awoodsiinta Dhalinyarada ee hirgelinta Is-XilQaan iyo horumarka Caasimada.

Guddoomiyaha ayaa sheegay in la xoojinayo isla xisaabtanka dhammaan qeybaha Maamulka, isagoo ugu baaqay in si dhow loola shaqeeyo Hay’adaha ammaanka ee ku howllan ka hortagga falalka argagixisadu u maleegayaan shacabka Soomaaliyeed.

Duqa Muqdisho ayaa xubnaha Maamulka ee kulan ka qeyb galay uga warbixiyey isbadalka dhinaca ammaanka ee lagu sameeyey Caasimadda, waxuna ka codsaday shacabka ku nool Muqdisho in so dhow loola shaqeeyo Ciidanka Amniga.

Eng.Yarisow ayaa sheegay in meel wanaagsan uu marayo barnaamijka IsxilQaan ee dalka lagu dhisayo, waxuna uga mahadceliyey dhalinyarada doorka wanaagsan ee ka qaadanayaan dib-u-dhiska, isla markaana uu Maamulka Gobolka Banaadir ahmiyad gaar ah siinayo shaqo abuurka dhalinyarada iyo in kaalin wanaagsan ay ka qaataan horumarka dalkooda.

Shirka ayaa intii uu socday waxaa warbixin ku addan horumarinta Waxbarashada Gobolka Banaadir iyo sidii uu Maamulku door fir-fircoon uga qaadan lahaa, waxaa laga dhageystay Wasiirka Waxbarashada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane C/laahi Goodax Barre.

Madaxda Heer Gobol iyo Heer Degmo ayaa si dhaw u falaanqeyey miro-dhalka Barnaamijyada muhiimka u ah Adeegyada Asaasiga Bulshada ee laga hirgelinayo Gobolka Banaadir, caqabadaha jira iyo sidii loo sidii loo dardargelin lahaa.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

WARGELIN: DIIWAAN-GELINTA XOG-DHOWRAYAASHA IYO XOG-ADEEGSADAYAASHA

WARGELIN: DIIWAAN-GELINTA XOG-DHOWRAYAASHA IYO XOG-ADEEGSADAYAASHA Iyadoo la tixraacayo Qodobka 32-aad...

Jadwalka imtixaanka fasalka 8aad ee sanad dugsiyeedka 2025/2026 oo la shaaciyay

Agaasinka Waxbarashada Gobolka Banaadir ayaa si rasmi ah u...

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS oo la kulmay Saraakiisha Ciidamada Xooga Dalka

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS Mudane Sheekh Aadan Maxamed...

Taliska CXD oo war-saxaafadeed ka soo saaray weerarkii saakay ee magaalada Baydhabo

Taliska Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS) waxa uu bulshada...