Hay”adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya oo xafiis cusub ka hirgelisay Gedo

Date:

Gedo (SNTV)- Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda ayaa xaafiis ka furatAy magaalada Baar-dheere ee gobolka Gedo si bulshada deegaanadaasi ku dhaqan ay u helaan adeegyada aas aasiga ah oo ay u baahanyihiin.

Guddoomiye ku xigeenka Gobolka Gedo Mudane Maxamed Xuseen Al-qadi iyo Agaasime ku xigeenka Waaxda Howlaha ee HSJ Mudane Haashim Axmed Cabaas ayaa xaragga ka jarey xaafiiska HSJ ee degmada Baardheere ee Gobolka Gado.

Xaafiiskaan oo ah kii 4aad oo ay hay’addu ka hirgelisey gobolka Gedo ayaa bixin doonaa dhammaan adeegyada ay bixiso HSJ, waxaana si weyn u soo dhoweeyey  Bulshada ku dhaqan Degmada Baardheere.

Dhawaanahay Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya ayaa dadaal xoogan ugu jirtay sidii loo horumarin lahaa adeegyada muhiimka ah oo bulshada Soomaaliyeed ay uga fadhiyeen Hay’adda.

Waxaa lagu guuleystay in Hay’addu ay xafiisyo ka furato gobolada dalka,iyadoo sidoo kale kuguuleystay in dadal badan oo caalamka ka mid ah ay aqoonsadaan adeegyada Baasboor ee dalka.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Hoggaamiye Aadan Madoobe oo lagu soo dhaweeyay Baydhabo

Hoggaamiyaha Dowladda Goboleedka Koonfur Galbeed, Sheekh Aadan Maxamed Nuur...

Daahfurka mashaariicda uu Isbahaysiga Milatari ee Islaamka ka fulinayo Muqdisho oo bilaabatay

Waxaa si rasmi ah magaalada Muqdisho uga bilaabatay munaasabadda...

Guddoomiyaha BFS oo dhambaal hambalyo ah ka helay Guddoomiyaha Golaha Shuurada ee Boqortooyada Baxrayn

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane...

Madaxweynaha JFS oo ka qaybgalay xuska 15 guurada dib u curashada xiriirka Soomaaliya iyo Turkiga

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...