Taliska Ciidanka Booliska oo sheegay in 23 Askari loo xiray arrimo Musuq-maasuq la Xiriira.

Date:

Muqdisho (SNTV)- Taliye Ku-xiggeenka Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Sarreeye guuto Zakia Xuseen Axmed oo maanta shir jaraa’id ku qabatay Xarunta Taliska Booliska ayaa Warbaahinta uga warbixisay Howlgalada ka socda magaaladda Muqdisho, kuwaasi oo lagu sugayo Ammaanka Caasimada.

Gen. Zakia ayaa sheegtay in Ciidanka Booliska Soomaaliyeed oo kaashanaya qeybaha kale duwan ee Hay’addaha Ammaanka ay wadaan Howlgallo Qorsheysan oo lagu baadi goobayo Argagixisada arxanka darran ee Alshabaab iyo Cid walbo oo Nabadda Khatar ku ah.

Shacabka Soomaaliyeed ayey ka codsatay inay u dulqaataan Howlgalada amniga lagu sugayo oo ay dhici karto inay keynaan Hakad ku yimaado Adeegyada Bulshada iyo Isu-socdka, iyaddoo Shacabka ugu baaqday inay garab istaagaan Ciidamada, islamarkaana ay ku gacan siiyaan sugida Amniga.

Taliye Ku-xiggeenka Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Sarreeye guuto Zakia Xuseen Axmed oo soo hadal qaaday dhanka Musuq-maasuqa ee Ciidanka dhexdiisa ah ayaa sheegtay in Taliska Booliska oo dhageysanaya Cabasho uga timid Bulshada intii uu socday Howlgalka ay soo xireen Labaatan iyo Seddex Askari oo ka tirsan Ciidanka Booliska, kuwaasi oo lagu Eedeyey inay ku kaceen Falal Musuq-maasuq la xiriira.

Ugu dambeyn Gen. Zakia ayaa qeybaha kala duwan ee Bulshadda Soomaaliyeed waxay ugu baaqday inay u hoggaansamaan Sharciga, islamarkaana ay la shaqeeyaan Booliska, si looga hor-taggo dhagarta Cadowga Argagixisada Alshabaab ay u maleegayaan Shacabka.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka oo Bilowday Barnaamij Tababar oo ku Saabsan Amniga Saaybarka

Maareeyaha Guud ee Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka, Mudane Mustafa Yaasiin...

Hay’adda NISA oo shaaciyay liiska horjoogayaal lagu dilay hawlgalladii u dambeeyay

Liiska horjoogeyaasha Khawaarijta ee lagu dilay howlgalladii ay fuliyeen...

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo ka qayb galay Shirka Arrimaha Bani’aadannimada Soomaaliya

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA), Maxamuud Macallin Cabdulle,...

Soomaaliya oo Ka Qayb Gashay Shirkii 11-aad Ee OACPS Ee Equatorial Guinea

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda...