Ra’iisul Wasaare Khayre Oo Xerada Generaal Gordan Ku Kormeeray Ciidamo Loo Diyaariyay Howl-gal Ka Dhan Ah Argagaxisada

Date:

Muqdisho (SNTV):- Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya (XFS), mudane Xasan Cali Khayre, ayaa maanta waxa uu xerada tababarka ciidanka xoogga dalka ee general Gordan ku kormeeray ciidamo qayb ka ah xoogga dalka oo loo diyaariyay ka qayb qaadashada howl-gal ka dhan ah kooxaha argagaxisada ah.

Kormeerka Ra’iisul Wasaaraha uu ugu tegay ciidanka ayaa qorshihiisu ahaa la socodka xaaladda diyaar garowga, saanadda ay heestaan iyo hadii ay jiraan waxyaabo ka dhiman si loogu dhamaystiro ka hor howl-galka ballaaran ee argagaxisada looga saarayo deegaannada ay dalka uga dhuumaalaysanayaan.

Ra’iisul Wasaaraha oo la hadlay ciidanka qaybta ka ah ciidamada xoogga dalka ee loo diyaariyay qorshaha ballaaran ee ka dhanka ah argagaxisada ayaa xog-warsaystay sida ay heeganka ugu yihiin in ay dhiiggooda ugu huraan difaaca dalka iyo dadka Soomaaliyeed, isaga oo kula dardaarmay in ay dadka ka difaacaan calooshood u shaqeestayaasha caadaystay dhibaataynta ummadda Soomaaliyeed.

Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre ayaa xerada tababarka General Gordan kula kulmay saraakiisha diyaarinaysa ciidanka, waxa uuna ka dhagaystay warbixinta diyaar garowga ciidanka iyo isbedelka lagu sameeyay qaab dhismeedka ciidanka xoogga dalka, oo qayb ka ah dib-u-qaabaynta iyo tayanta CXD iyo qorshaha isu diyaarinta howl-gallada cadawga looga saaro guud ahaan deegaannada ay uga suganyihiin dalka, si ummadda Soomaaliyeed ay u hesho amni buuxa.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Ciidanka Qaranka oo 29 Khawaarij ah ku dileen howlgal ay ka fuliyeen Shabeellaha Dhexe.

Ciidanka Qaranka Soomaaliyeed oo kaashanaya saaxiibada caalamka ayaa xalay...

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo si diirran loogu soo dhaweeyay Dhuusamareeb.

Dhuusamareeb, Khamiis, 01 Janaayo 2026: —Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda...

Wasaaradda Awqaafta XFS oo farriin u dirtay Imaamyada Masaajidyada.

Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Islaamka ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya...

HSJ Soomaaliya oo dib u dhigtay hirgelinta sharciga Kaarka Aqoonsiga ee Safarka Gudaha.

Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa shaacisay...